HomeWararTaliyaha Ciidanka Xoogga oo kormeeray Xerooyin Ciidan oo ku yaal Duleedka Muqdisho

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo kormeeray Xerooyin Ciidan oo ku yaal Duleedka Muqdisho

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka  ayaa  kormeer Booqasho ah ku tagay   Xerooyinka  General Daaud iyo Xerada tababarka Gen dhaga Badan ee Duleedka Magaalada Muqdisho. Sareeyo Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow  ayaa kormeer ku sameeyay qeybaha kala duwan ee Xerooyinka Ciidanka […]

- Advertisement -

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka  ayaa  kormeer Booqasho ah ku tagay   Xerooyinka  General Daaud iyo Xerada tababarka Gen dhaga Badan ee Duleedka Magaalada Muqdisho.

Sareeyo Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow  ayaa kormeer ku sameeyay qeybaha kala duwan ee Xerooyinka Ciidanka Xoogga Dalka Halkaasi oo ay ka Socdeen Howlo shaqo oo Muhiim ah.

- Advertisement -

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeyo Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow ayaa Xerada General Dhaga Badan kula Hadlay Ciidamo cusub oo tababar kusoo qaatay dalka dibadiisa isagoona Ciidanka ku boorriyay inay ka feejignaadaan.

General Ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow  ayaa Ciidanka  Xoogga Dalka hoosta uga xariiqay sida  waajibka ay ugu tahay difaaca shacabka iyo dowladnimada, waxaana dhinaca kale uu Faray

Ciidanka in ay u diyaar garoobaan dhawaan dagaalka Xureynta ah ee Dalka looga saarayo Al-Shabaab.

- Advertisement -

 

 

Latest stories