HomeWararCiidan dharcad ah oo Dalka Koofur Afrika ku dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Ciidan dharcad ah oo Dalka Koofur Afrika ku dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Warar dheeraada ayaa kasoo baxaya dil Xalay dalka Koofur Afrika loogu gaystay Muwaadin Soomaaliyeed oo ku noolaa dalkaasi, waxaana dilku uu si gaar ah uga dhacay Motherwell oo ka tirsan Gobalka Eastern Cape. Marxuumka ayaa lagu magacaaabi jiray Maxamed Deeq Madar oo loo yaqaanay Carab, waxa uu ku baxay Gacanta Ciidamo dhar cad ah oo […]

- Advertisement -

Warar dheeraada ayaa kasoo baxaya dil Xalay dalka Koofur Afrika loogu gaystay Muwaadin Soomaaliyeed oo ku noolaa dalkaasi, waxaana dilku uu si gaar ah uga dhacay Motherwell oo ka tirsan Gobalka Eastern Cape.

Marxuumka ayaa lagu magacaaabi jiray Maxamed Deeq Madar oo loo yaqaanay Carab, waxa uu ku baxay Gacanta Ciidamo dhar cad ah oo sida la sheegey doonayey inay Dukaanka ka baaraan Hub Sharci darro ah.

- Advertisement -

Dilka Marxuumka ayaa yimid sida wararku sheegayaan kadib markii  Ciidanka dharcadda ah aysan isku sheegin waxa ay yihiin, waxaana taasi ay keentay in Dhallinyarada Dukaanka joogtay ay ka shakiyeen oo waxay u qaateen Tuugo soo weerartay maadaama aysan cadeyn ama Calaamad Askareed ka muuqan.

Wixii intaasi ka dambeeyay Carab, ayaa Bistoolad sharciyeysan watay oo durbadiiba dib u baxay kala shakigaas ayeyna xabaddu ku bilaabatay, israsaaseyntaasi ayaa haleeshay marxuumka oo uu u Geeriyooday, Halka mid kamida Askarta uu ku Dhaawacmay.

Gudoomiyaha Jaaliyadda Soomaalida ee Gobalka Eastern Cape Siciid Sujuu, ayaa sheegey inay Sharciga la tiigsan doonaan Askartaas weerarka gaysatay ee toogatay Muwaadinka Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Dalka Koofur Afrika ayaa ka mid ah dalalka sida weyn logu dhibaateeyo Soomaalida,w axaana wararakii ugu dambeeyay ay sheegayaan in Booliska dalkaasi ay Baaritaano wadaan, waxaana xabsiga loo taxaabay Wiilashii kale ee ka shaqaynayey Dukaanka.

Latest stories