HomeWararGolaha Wasiirada Xukuumadda oo Maanta ansixiyay hindise sharciyeedyo muhiim ah

Golaha Wasiirada Xukuumadda oo Maanta ansixiyay hindise sharciyeedyo muhiim ah

Date:

Related stories

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Elite Gorgor Forces Complete Training in Türkiye

The Ground Forces Commander Brigadier General Sahal Abdullahi Omar...

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Shirka Toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka, Xasan Macallim Maxamuud Sh. Cali ayaa looga hadley xaaladda amniga dalka, Isla markaana lagu ansixiyey hindise sharciyeedyo muhiim u ah dalka. Golaha Wasiirada ayaa dhegestey warbixino ku saabsan guulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka […]

- Advertisement -

Shirka Toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka, Xasan Macallim Maxamuud Sh. Cali ayaa looga hadley xaaladda amniga dalka, Isla markaana lagu ansixiyey hindise sharciyeedyo muhiim u ah dalka.

Golaha Wasiirada ayaa dhegestey warbixino ku saabsan guulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka soo hoyeen dagaalka lagula jiro dagaalamayaasha Al-Shabaab .

- Advertisement -

Golaha ayaa sidoo kale cambaareeyay weerarkii Al-Shabaab ay ku beegsadeen Kuliyadda Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ee Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.

Waxaa uu Golaha tacsi u diray umadda Soomaaliyeed, qoysaskii iyo eheladii ay ka geeriyoodeen Ciidanka Xoogga Dalka ee ku dhintay weerarkaasi, iyagoo isla markaana Allah uga baryey inta dhaawacantey inuu Ilaahay deg-deg u caafiyo.

Golaha ayaa sidoo kale

- Advertisement -

meel-mariyey Hindise Sharciyeedyada kala ah;

1- Hindise Sharciyeedka Xuquuqda Naafada Soomaaliyeed.

2- Hindise Sharciyeedka Hay’adda Adeegga Baaritaanka iyo Sharciyeeynta Beeraha Soomaaliyeed.

3- Hindise Sharciyeedka Xakameynta Kiimikooyinka Beeraha Soomaaliyeed.

4- Hindise Sharciyeedka Abuurka iyo Noocyada Dhir-beereedka.

5- Hindise Sharciyeedka Badbaadada Dhir-beereedka iyo Takoorka

Iyo Xeer Nidaamiyaha Cunaqabateynta Maaliyadeed ee Cayiman.

Latest stories