HomeWararShirweyne looga hadlayo baarista dambiyada & oogista dacwadaha oo Maanta furmay

Shirweyne looga hadlayo baarista dambiyada & oogista dacwadaha oo Maanta furmay

Date:

Related stories

Somalia Gives Referee Omar Artan a Hero’s Welcome After U.S. Entry Denial

“What happened will not disappoint me, and I promise you that I will participate in the 2030 World Cup,” he said. He also urged Somali youth not to lose faith in their country or their passport.

Musharax Galmudug Liban Axmed oo $50,000 ku wareejiyay garsoore Cumar Artan

Musharax Galmudug oo $50,000 ku wareejiyay garsoore Cumar Artan Muqdisho,...

Aadan Madoobe oo xilka la wareegay Koonfur Galbeed

Aadan Madoobe oo xilka la wareegay Koonfur Galbeed Baydhabo, 11...

Taliyeyaasha SNA & Booliiska oo kormeeray TURKSOM

Taliyeyaasha ciidamada oo kormeeray Kulliyadda TURKSOM Muqdisho, 11 Juun 2026 –...
- Advertisement -

Shirweynaha Qaran ee wada shaqeynta Xeer ilaalinta iyo Booliska Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga furmay Muqdisho, kaas oo socon doona labada maalmood 26-27- 2023.

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Dr. Maxamed Axmed Sheikh Cali (Doodishe) oo shirka furay ayaa sheegay in kulankan loogu doodi doono wada shaqaynta Booliska iyo xeer ilaalinta, gaar ahaan barista dambiyada iyo oogista dacwadaha, isagoo xusay in sanadkii ugu dambeeyay ay aad usoo hagaagayaan wadashaqaynta ka dhexeysa laamahan

- Advertisement -

, Doodishe ayaa sidoo kale sheegay in shirkan looga doodayo dib u eegis lagu sameeyay xeerka ciqaabta guud iyo kor u qaadista cadaaladda, si uu ula jaan qaado is-beddelada ka dhacaya caalamka oo ay Soomaaliya ka mid tahay.

Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Mahdi Cumar muumin ayaa sheegay in ay tahay muhiim wax ka badalka xeerka habka ciqaabta Soomaaliyeed si uusan dambiiluhu ugu dhex faa’iideysan booliska, xeer ilaalinta iyo garsoorka dhexdooda.

Taliyaha ayaa sheegay in wax ka beddelka xeerka ciqaabta aad loogu baahan yahay maaddaama ay bulshadu badatay, wadciguna is-beddelay, taas oo sababtay in ay soo baxaan dhaqanno fool xun oo aynaan hiddo u lahayn, anshaxa iyo diintuna aan ku habboonayn.

Latest stories