HomeWararRW Xamse oo ka hadlay Qaraxii lagu laayay Ciidamada ee ka dhacay...

RW Xamse oo ka hadlay Qaraxii lagu laayay Ciidamada ee ka dhacay Muqdisho

Date:

Related stories

Arab League slams Somaliland office opening in Jerusalem

Arab League Secretary-General Ahmed Aboul Gheit has condemned the...

Commander ousted after reported refusal to deploy troops

- Somali President Hassan Sheikh Mohamud has removed the...

Pirate attacks on two commercial ships thwarted off Somalia

Armed pirates attacked two commercial vessels in separate incidents...

Race intensifies for Somalia Lower House speaker post

Competition is intensifying for the position of Speaker of...
- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa ka hadlay qaraxii is-miidaaminta ahaa ee maalin kahor lagu laayay ciidamo ka tirsanaa guutada 14-ka Otoober oo ku sugnaa kuliyadda Jaalle siyaad ee magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Xamse Barre oo ku sugan dalka Tanzania khudbadna u jeediyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ayaa waxa uu tacsi u diray ehelada iyo qoysaskii ay ka geeriyoodeen ciidankii ku le’day qaraxii lagula beegsaday kuliyadda Jaalle siyaad, wuxuuna caafimaad u rajeeyay askarta kalena ay dhaawacyada soo gaareen.

- Advertisement -

Isaga oo hadalkiisa sii wata Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay qaraxa lagu xasuuqay ciidanka guutada 14-ka Oktoober ee laga keenay magaalada Marka, kuwaasi oo xilligii la qarxinaayay ku jiray saf-dheer, isla markaana gaardis sameeynayay.

“Waxaan rabaa inaa ku bilaabo tacsi aan u dirayo geesiyadeenii shalay ee dhibaatadu ku dhacday ee nimankii fuleeyada ahaa mid kamid ahi uu isku dhex qarxiyay, deedna uu culeys kasoo gaaray qaar kamid ah Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed” ayuu yiri Xamse Barre oo haatan ku sugan Tanzania oo uu uga qeyb galayo shir madaxeed.

In ka badan 30 Askari oo kamid ahaa ciidanka xoogga ayaa ku naf-waayay qaraxii is-miidaaminta ahaa ee uu la beegsaday qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa oo isku dhex qarxiyey ciidanka, waxaana sidoo kale halkaas ku dhaawacmay afartameeyo kale, Al-Shabaab ayaana sheegatay mas’uuliyada qaraxaasi khasaaraha badan dhaliyey.

- Advertisement -

Latest stories