HomeWararMooshin loogu yeerayo Wasiir iyo Taliyeyaasha Ciidamada oo loo gudbiyay Gudoonka Golaha...

Mooshin loogu yeerayo Wasiir iyo Taliyeyaasha Ciidamada oo loo gudbiyay Gudoonka Golaha Shacabka

Date:

Related stories

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...
- Advertisement -

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ayaa u gudbiyay Guddoonka Golaha Shacabka, Mooshin ay ku dalbanayaan in loogu yeerayo Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda iyo Taliyeyaasha Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Xildhibaanada ayaa sheegay inay rabaan inay Wasiirka iyo Taliyeyaasha ciidamada su’aalo ka weydiiyaan qaraxii isniintii ka dhacay Kulliyadda Jaalle Siyaad, ee  la isku dhex qarxiyey ciidamo farabadan oo ka tirsan Milateriga oo xlligaas saf dheer ku jiray.

- Advertisement -

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka iyo Guddoonka Golaha ayaa si kulul u cambaareeyay qaraxaas oo ay ku dhinteen in ka badan 30 Askari oo ka tirsanaa guutada 14-ka Octoober, halka ay ku dhaawacmeen afartameeyo kale.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa wax aan la qaadan karin ku tilmaamay in goob uu ammaankeedu aad u sugan yahay qarax lala galo, waxyeellana laga geysto, isagoo amray in dambiilayaasha fududeeyay qaraxa gacanta lagu soo dhigo caddaaladdana la mariyo.

Qaraxaas ka dhacay kuliyadda Jaale siyaad oo ahaa mid is-miidaamin ah ayaa ahaa kii ugu khasaaraha badnaa inta la xusuusto, ee ka dhex dhaca xero ka mid ah xeryaha ciidamada, kaddib sanadkii hore oo sidan kale qarax uga dhacay Warshadda Nacnaca, inkastoo uu khasaaraha uu yaraa.

Latest stories