HomeWararMaxkamadda Ciidamada oo xukun dil ah ku riday Askari qof u dilay...

Maxkamadda Ciidamada oo xukun dil ah ku riday Askari qof u dilay hadal uu dhibsaday

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa Maanta Arbaco ah waxa ay xukun dil toogasho ah ku riday Askari ka tirsan ciidanka Milateriga dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa ilaalada qaran, kaasi oo dil horey u geystay. Eedeysanaha askariga ee xukunka lagu riday ayaa lagu magacaabaa Xasan Xuseen Nuur, waxaana uu dil bareer ah u geystay Marxuum […]

- Advertisement -

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa Maanta Arbaco ah waxa ay xukun dil toogasho ah ku riday Askari ka tirsan ciidanka Milateriga dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa ilaalada qaran, kaasi oo dil horey u geystay.

Eedeysanaha askariga ee xukunka lagu riday ayaa lagu magacaabaa Xasan Xuseen Nuur, waxaana uu dil bareer ah u geystay Marxuum lagu magacaabi jiray Xuseen Maxamed Xeri, Maxkamadda ciidamada ayuu kahor qirtay Xasan Xuseen inuu dilkaasi geystay.

- Advertisement -

Sidoo kale waxa uu Maxkamadda ciidamada kaga hor dooday Xasan Xuseen Nuur oo ka tirsan ciidanka dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa ilaalo qaran in lagu yiri Jareer ayaad tahay, waxa ayna fal-celintiisa noqotay in uu riishada ku dhego.

Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaan xukun Dil toogasho ah ku riday Xasan Xuseen Nuur, sida uu Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Garsoorka Ciidamada uu u sheegay Warbaahinta.

Latest stories