HomeWararBaarlamaanka Puntland oo ansixiyay wax-ka-bedelka Dastuurka Maamulka

Baarlamaanka Puntland oo ansixiyay wax-ka-bedelka Dastuurka Maamulka

Date:

Related stories

JSP oo Cali Guudlaawe U Doortay Musharraxa Hirshabeelle

Cali Guudlaawe ayaa si rasmi ah loogu aqoonsaday musharraxa Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee doorashada madaxtinimada Hirshabeelle, kaddib go’aan ay xubnaha fulinta xisbiga ku gaareen Muqdisho.

Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo Ku Guuleystay Qiimeynta Waxqabadka

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeynta waxqabadka Xukuumadda, laguna guddoonsiiyay abaalmarinno.

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Xildhibaanada Baarlamaanka dowlad Goboleedka Puntland ayaa ansixiyay wax-ka-beddel lagu sameeyey Dastuurka Puntland, kadib kulan ay ku yeesheen Xarunta ay ku shaqeeyaan ee magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal. Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka  ayaa dood kadib Cod gacan tag ah ku ansixiyay wax-ka-beddelka dhowr qodob oo kamid ah dastuurka, waxaana ogolaatay 54 Mudane,  6 Xildhibaan ayaana diiday, […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Xildhibaanada Baarlamaanka dowlad Goboleedka Puntland ayaa ansixiyay wax-ka-beddel lagu sameeyey Dastuurka Puntland, kadib kulan ay ku yeesheen Xarunta ay ku shaqeeyaan ee magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka  ayaa dood kadib Cod gacan tag ah ku ansixiyay wax-ka-beddelka dhowr qodob oo kamid ah dastuurka, waxaana ogolaatay 54 Mudane,  6 Xildhibaan ayaana diiday, mana jirin  cid ka aamustay.

- Advertisement -

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, Cabdirashid Yuusuf Jibriil Cawl oo fadhiga shir guddoominayay ayaa ku dhawaaqay natiijada codeynta, isagoona sheegay in la ansixiyay wax-ka-beddelka dastuurka Puntland.

Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa tallaabadan qaaday, iyada oo aan weli laga heshiinin khilaafka ka taagan arrintaas ee u dhexeeya Xukuumadda Madaxweyne iyo mucaaradka.

Saacadihii lasoo dhaafay ayaa waxaa magaalada Garoowe ka socday waan-waanta ay wadeen Isimada dhaqanka oo doonayo in lagu xallinayo khilaafka Maamulka Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah.

- Advertisement -

Dhinaca kale xaaladda Garoowe ayaa kala deggen, ka dib waan-waan ay tan iyo xalay wadeen isimmada dhaqanka, si ka duwan labaatankii bishii hore oo furista dastuurka dagaal ka dhashay.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts