HomeWararTirada khasaaraha ka dhashay Qaraxii Kuliyadda Jaalle Siyaad oo korortay

Tirada khasaaraha ka dhashay Qaraxii Kuliyadda Jaalle Siyaad oo korortay

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Warrar dheeraada ayaa ka soo baxaya qarax barqadii Maanta ka dhacay gudaha xero ku taalla kuliyadda Jaale Siyaad ee magaalada Muqdisho, jugta qaraxaasi ayaa waxaa laga malqay inta badan degmooyinka Gobolkaan Banaadir. Illo wareedyo ka tirsan Milatariga Soomaaliya ayaa BBC-da u sheegay in 25 askari ay dhinteen, kaddib markii nin isku soo xiray walxaha qarxa […]

- Advertisement -

Warrar dheeraada ayaa ka soo baxaya qarax barqadii Maanta ka dhacay gudaha xero ku taalla kuliyadda Jaale Siyaad ee magaalada Muqdisho, jugta qaraxaasi ayaa waxaa laga malqay inta badan degmooyinka Gobolkaan Banaadir.

Illo wareedyo ka tirsan Milatariga Soomaaliya ayaa BBC-da u sheegay in 25 askari ay dhinteen, kaddib markii nin isku soo xiray walxaha qarxa uu isku qarxiyay ciidanka oo saf ku jira, isla markaana xilligaas sameeynayay gaardis.

- Advertisement -

Dhawr iyo afartan kale ayaa la sheegay inay dhaawacmeen kuwaas oo loo kala qaaday isbitaalo ku yaala Muqdisho, sida xaaladdooda caafimaad loogu dabiibo.

Ninka is qarxiyay ayaa xirnaa dareeska ciidanka, isagoo gudaha xerada ku galay aqoonsi, sida il wareed ka tirsan Miltariga oo aan doonayn in magaciisa la sheego uu Idaacadda BBC-da u sheegay.

Qoraal ay Al-Shabaab ku faafiyeen barahooda Interner-ka ayaa lagu sheegay in ninka is qarxiyay uu dilay 73 askari oo ka tirsan ciidanka dowladda Federaalka , isla markaana uu dhaawacay 124 kale, in kastoo cid madaxbannaan oo xaqiijisay sheegashadaasi aanay jirin.

- Advertisement -

Illaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay miltariga Soomaaliya oo ka hadlaya sida xerada kuliyadda Jaale Siyaad ay wax uga dhaceen iyo tirada khasaaraha ciidanka ka soo gaaray qaraxa lala beegsaday.

Latest stories