HomeWararQarax Is-miidaamin ah oo lala beegsaday Ciidamo ku sugan xero ku taal...

Qarax Is-miidaamin ah oo lala beegsaday Ciidamo ku sugan xero ku taal Muqdisho

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Qarax ismiidaamin ah oo uu fuliyey qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa ka dhacay xerada ciidamada ee Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho, jugta qaraxa ayaana laga maqlay degmooyin ka tirsan Gobolkaan Banaadir. Qaraxa ayaa waxaa lala beegsaday oo la isku dhex qarxiyey ciidamo isku dhaf ah oo lagu xareenayay xerada ciidamada ee Kuliyadda […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Qarax ismiidaamin ah oo uu fuliyey qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa ka dhacay xerada ciidamada ee Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho, jugta qaraxa ayaana laga maqlay degmooyin ka tirsan Gobolkaan Banaadir.

Qaraxa ayaa waxaa lala beegsaday oo la isku dhex qarxiyey ciidamo isku dhaf ah oo lagu xareenayay xerada ciidamada ee Kuliyadda Jaalle Siyaad ee Muqdisho, waxaana la sheegay in qofka isa-soo miidaamiyey uu gudaha u galay xerada ciidamada.

- Advertisement -

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayan in xiligii uu qaraxa xooggan dhacaayay ay ciidamada saameynayeen gaardis, ayna ku jireen saf dhaadheer, ciidamada farabadan ayaa isku gadaamay aaga uu qaraxu dhacay, iyaga oona xiray.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu soo waramayaa in qaraxa uu ka dhashay, oo gaaray Askar ka tirsan ciidanka dowladda oo goobta ku sugnaa, isla markaana waxaa durbadii goobta laga daad-gureeyay dhaawacyada oo la geeyay Isbitaal

Ma jiro weli wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidanka ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay uga hadlayaan qaraxaan Maanta ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan xerada Damaanyo ee ku taalla degmada Hodan.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts