HomeWararGuddoomiye Sacdiyo Samatar oo loo diiday inay Maanta u safarto Magaalada Garoowe

Guddoomiye Sacdiyo Samatar oo loo diiday inay Maanta u safarto Magaalada Garoowe

Date:

Related stories

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada Muqdisho, 9 Juun...

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar Waxaa...

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...
- Advertisement -

Gudoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, xildhibaan Sacdiya Yaasiin Samatar, ayaa laga hor istaagay inay u duusho magaalada Garowe ee caasimadda dowlad Goboleedka Puntland.

Xogta ayaa sheegeysa in diyaarad lagu waday inay Muqdisho soo qaado Sacdiyo lagu amray inaysan soo qaadin Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Shacabka iyo wefdi la socday oo ay isugu jiraan wasiiro, xildhibaano, iyo madax dhaqameedyo.

- Advertisement -

Sacdiya ayaa lagu waday inay ka qeyb gasho caleema saarka Suldaan Bashiir Suldaan Carab, oo ah suldaanka beesheeda, kaas oo lagu wado in beri xafladdiisa caleema saarka ay ka dhacdo magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Sanadkii hore ayay ahayd markii diyaarad siday Guddoomiye kuxigeenka Golaha Shacabka lagu qasbay iney dib ugu noqoto Muqdisho.

Weli xildhibaan Sacdiya Yaasiin Samatar kama aysan hadlin tallaada loogu diiday inay Garoowe safar ugu ambabaxdo, waxaana la xaqiijiyay in diyaaradii laga reebay iyada ay ka degtay Garoonka diyaaradaha Jeneraal Maxamed Abshir ee Garoowe

Latest stories