HomeWararGuddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiilada Somaliland oo Maanta la doortay

Guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiilada Somaliland oo Maanta la doortay

Date:

Related stories

FIFA to pay Somali referee after US entry bar disrupted World Cup role

World football governing body FIFA has taken an exceptional...

Galmudug demands consensus-led election amid tensions

Somalia’s Galmudug state has rejected any election model imposed...

UN releases $10 mln to avert famine in Somalia as hunger crisis

The United Nations has released $10 million from its...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad Gacmeedka Soomaaliya

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad...
- Advertisement -

Magaalada Hargeysa ee caasimadda Maamulka Somaliland ayaa Maanta waxaa ka dhacday doorashada Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland, waxaana doorashada ku tartamay laba musharax oo kamid ahaa Golaha.

Guddoomiyaha cusub ee Golaha wakiilada ayaa waxaa loo doortay xildhibaan Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon oo ka tirsan xisbiga talada haya ee Kulmiye ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, isagoona doorashada kula tartamay musharax Maxamed Khadar.

- Advertisement -

Xildhibaanada Golaha ayaa cod gacan taag ah ugu codeeyay Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon, kaasi oo helay 46 cod, halka musharraxii la tartamayey Maxamed Khadar uu isna helay 35 cod, Guddoonka golaha wakiilada Somaliland ayaana sidaasi ku dhawaaqay.

Doorashada ayaa waxaa goobjoog ahaa xubno ka tirsan xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxaana kamid ahaa Wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin iyo wasiirka warfaafinta Saleebaan Koorre.

Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo ahaa Guddoomiyihii Golaha Wakiilada Somaliland ayaa 11 bishii June 2023 ku dhawaaqay inuu xilkaasi uu iska casilay, sidoona kale waxa uu iska casilay xisbiga mucaaradka ee Waddani oo ka tirsanaa, taasi oo ka dhigan inuu gebi ahaanba ka baxay siyaasadda Somaliland.

Latest stories