HomeWararXildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Soomaaliya oo geeriyooday

Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Soomaaliya oo geeriyooday

Date:

Related stories

Somalia Gives Referee Omar Artan a Hero’s Welcome After U.S. Entry Denial

“What happened will not disappoint me, and I promise you that I will participate in the 2030 World Cup,” he said. He also urged Somali youth not to lose faith in their country or their passport.

Musharax Galmudug Liban Axmed oo $50,000 ku wareejiyay garsoore Cumar Artan

Musharax Galmudug oo $50,000 ku wareejiyay garsoore Cumar Artan Muqdisho,...

Aadan Madoobe oo xilka la wareegay Koonfur Galbeed

Aadan Madoobe oo xilka la wareegay Koonfur Galbeed Baydhabo, 11...

Taliyeyaasha SNA & Booliiska oo kormeeray TURKSOM

Taliyeyaasha ciidamada oo kormeeray Kulliyadda TURKSOM Muqdisho, 11 Juun 2026 –...
- Advertisement -

Xildhibaan ka tirsanaa Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo lagu magacaabi jiray Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Cumar Jubba ayaa ku geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Marxuum Cabdiraxmaan Jubba ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay ku xanuunsanayay isbitaalka weyn ee Aga khan ee Nairobi, waxaana la xaqiijiyay in xanuunkii haayay uu ugu danbeyn xalay ugu geeriyooday Xildhibaanka.

- Advertisement -

Geerida Xildhibaan Cabdiraxmaan Jubba ayaa waxaa xaqiijiyay qaar kamid ah eheladiisa iyo Ergeyga Madaxweynaha u qaabilsan arrimaha wada-hadallada dowladda Soomaaliya iyo Somaliland Cabdikariin Xuseen Guuleed oo tacsi u diray qoyska iyo eheladan marxuumka.

“Xildhibaan Jubba oo intii mudooyinkaan ahba xanuunsana, waxuu ahaa nin dhalinyaro ah oo aad u firfircoon, isku kalsoon, waxuu rabo iyo meeshu u jeedana yaqaana. Waxaan u tacsiyeynayaa qoyskii uu ka baxay iyo dhammaan asxaabtiisa dhamaantii” ayuu yiri Cabdikariin Guuleed.

Madaxda dowladda Federaalka ayaan weli ka tacsiyeeyn geerida ku timid Cabdiraxmaan Maxamed Cumar Jubba oo ka tirsanaa Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa kasoo jeeda Gobolada Waqooyi.

Latest stories