HomeWararHowlgal lagu dilay Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo laga fuliyey Gobolka Baay

Howlgal lagu dilay Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo laga fuliyey Gobolka Baay

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Ciidanka xoogga dalka ayaa habeenimadii xalay aheyd waxa ay howlgal qorsheysan oo ka dhan ahaa dagaalamayaasha Al-Shabaab ay ka fuliyeen deegaanka Ceel-bashiir oo ku yaalla wadada xiriirisa deegaanka Jameeco iyo degmada Buur-hakaba. Howlgalka ayaa ka bilowday weerar ciidamo ka tirsan kuwa xoogga ee ka howlgala deegaanada Koonfur Galbeed ay ku qaadeen xarun la sheegay inay […]

- Advertisement -

Ciidanka xoogga dalka ayaa habeenimadii xalay aheyd waxa ay howlgal qorsheysan oo ka dhan ahaa dagaalamayaasha Al-Shabaab ay ka fuliyeen deegaanka Ceel-bashiir oo ku yaalla wadada xiriirisa deegaanka Jameeco iyo degmada Buur-hakaba.

Howlgalka ayaa ka bilowday weerar ciidamo ka tirsan kuwa xoogga ee ka howlgala deegaanada Koonfur Galbeed ay ku qaadeen xarun la sheegay inay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka Ceel-bashiir, isla markaana weerarkaas uu ka dhashay khasaaro.

- Advertisement -

Wakaalada Wararka dowladda ee SONNA oo soo xigatay saraakiil ka tirsan ciidamada ayaa sheegtay in howlgalkii xalay dhacay lagu dilay toban ka tirsan Al-Shabaab ku sugnaa goobta.

Howgalka ay ciidamada xoogga dalka ay ka fuliyeen deegaanka Ceel-bashiir oo ku yaalla wadada xiriirisa deegaanka Jameeco iyo degmada Buur-hakaba ayaa la tilmaamay inuu kusoo dhamaaday sidii ay u qorsheeyeen ciidamada Xoogga Dalka soomaaliyeed.

Si kastaba ciidanka dowladda iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed ayaa dhowr jeer deegaano iyo degmooyin ka tirsan Maamulkaas ka fuliyey howlgalo qorsheysan oo ka dhan ahaa dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Latest stories