HomeWararBuuq iyo Sawaxan hareeyay kulankii Maanta ee Baarlamaanka Puntland

Buuq iyo Sawaxan hareeyay kulankii Maanta ee Baarlamaanka Puntland

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Xildhibaanada Baarlamaanka dowlad Goboleedka Puntland ayaa maanta kulan ku yeeshay Xaruntooda magaalada Garoowe, waxaana kulanka shir guddoominayay Guddoomiye Cabdirashid Yusuf Jibril Caw loo ay wehlinayeen ku-xigeenadiisa. Ajendaha kulanka Baarlamaanka ayaa waxaa uu ahaa Ansixinta wax-ka-bedelka xeerka Ilaalinta iyo maareynta deegaanka Puntland iyo Ansixinta Gobolka cusub ee Raas Casayr ee horay loo oran jiray Gobolka Gardafuu […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Xildhibaanada Baarlamaanka dowlad Goboleedka Puntland ayaa maanta kulan ku yeeshay Xaruntooda magaalada Garoowe, waxaana kulanka shir guddoominayay Guddoomiye Cabdirashid Yusuf Jibril Caw loo ay wehlinayeen ku-xigeenadiisa.

Ajendaha kulanka Baarlamaanka ayaa waxaa uu ahaa Ansixinta wax-ka-bedelka xeerka Ilaalinta iyo maareynta deegaanka Puntland iyo Ansixinta Gobolka cusub ee Raas Casayr ee horay loo oran jiray Gobolka Gardafuu

- Advertisement -

Inta uu kulanka socday oo aan la ansixin Ajendayaasha ayaa waxaa fadhiga hareeyay Buuq iyo sawaxan, kadib markii dhowr Xildhibaan ay soojeediyeen in Golaha laga raro caasimadda Garoowe, sababo la xiriira amniga.

Soo jeedintaasi ayaa waxaa dood kulul kala hor tegey mid ka mid ah Xildhibaannada Baarlamaanka Maamulka Puntland oo laga soo doorto gobolka Nugaal, iyada oo intaas kadib guddoonku sheegeen in doodda amni ee caasimadda ay mar kale ka doodayaan oo aysan maanta furnayn.

Xildhibaanada Golaha Puntland, ayaa Cod aqlabiyad leh waxa ku meelmariyeen Ansixinta wax-ka-bedelka Xeerka Ilaalinta iyo maareynta deegaanka Puntland, iyaga oo sidoo kalena ansixiyay  Gobolka cusub ee Raas Casayr ee horay loo oran jiray Gobolka Gardafuu.

- Advertisement -

Dhinaca kale waxa maanta ku ekayd muddo bil ah oo uu furan yahay Dastuurka Puntland, hayeeshee waan-waan ay mucaaridka iyo Xukuumadda ka dhex wadaan Isimmada dhaqanka ayaa loo hakiyey wax-ka-beddelidda dastuurka oo ah ubucda khilaafka siyaasadeed ee Puntland.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts