HomeWararKulan looga hadlay wejiga 2-aad ee howlgalka lagula dagaalamayo AS oo ka...

Kulan looga hadlay wejiga 2-aad ee howlgalka lagula dagaalamayo AS oo ka dhacay Luuq

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Madaxweyne kuxigeenka koobaad ee dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo howlo shaqo u jooga gobolka Gedo gaar ahaan degmada Luuq ee Gobolkaas oo uu shalay muddo dheer  kadib mas’uul ka tirsan Jubbaland uu safar ku tagay. Madaxweyne Maxamuud Sayyida ayaa degmada Luuq ka wada kulamo, waxaana maanta shir guddoomiyay kulan lagaga hadlayay xaalada amniga […]

- Advertisement -

Madaxweyne kuxigeenka koobaad ee dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo howlo shaqo u jooga gobolka Gedo gaar ahaan degmada Luuq ee Gobolkaas oo uu shalay muddo dheer  kadib mas’uul ka tirsan Jubbaland uu safar ku tagay.

Madaxweyne Maxamuud Sayyida ayaa degmada Luuq ka wada kulamo, waxaana maanta shir guddoomiyay kulan lagaga hadlayay xaalada amniga gobolka iyo diyaar garoowga Wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

- Advertisement -

Saraakiisha ciidamada Jubbaland ee ku sugan Luuq ayuu Madaxweyne ku-xigeenka ka dhageystay xaaladda amni ee degmada iyo qorshaha lagula dagaalamayo.

Kulankan waxaa ka qeybgalay masuuliyiinta golayaasha kala duwan ee dowlad Goboleedka Jubbaland, Maamulka heer gobol iyo heer Degmo iyo Sarakiisha Ciidamada ATMIS ee ka howlgala Gobolka.

Maxamuud Sayid Aadan ayaa shalay gaaray Luuq, wuxuuna noqday mas’uulkii ugu horeeyay ee xil sare ka haya Jubaland oo tago gobolka Gedo tan iyo markii uu bilowday khilaafka gobolkaasi ka taagan, marka laga reebo degmada Ceelwaaq oo ay horey u tageen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubaland.

Latest stories