HomeWararWararkii ugu danbeeyay Dagaal culus oo Caawa ka socda duleedka Laascaanood

Wararkii ugu danbeeyay Dagaal culus oo Caawa ka socda duleedka Laascaanood

Date:

Related stories

JSP oo Cali Guudlaawe U Doortay Musharraxa Hirshabeelle

Cali Guudlaawe ayaa si rasmi ah loogu aqoonsaday musharraxa Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee doorashada madaxtinimada Hirshabeelle, kaddib go’aan ay xubnaha fulinta xisbiga ku gaareen Muqdisho.

Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo Ku Guuleystay Qiimeynta Waxqabadka

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeynta waxqabadka Xukuumadda, laguna guddoonsiiyay abaalmarinno.

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Dagaal xooggan oo u dhexeeyay ciidanka deegaanka ee SSC iyo kuwa Maamulka Somaliland ayaa Maanta illaa caawa ka socda duleedka magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, dagaalkaasi ayaana la isku adeegsanayaa hubka culus. Warar la helayo ayaa sheegaya in dagaalka uu markii hore ee maanta uu ka bilowday weerar ay ciidanka Somaliland kusoo qaadeen fariisimo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dagaal xooggan oo u dhexeeyay ciidanka deegaanka ee SSC iyo kuwa Maamulka Somaliland ayaa Maanta illaa caawa ka socda duleedka magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, dagaalkaasi ayaana la isku adeegsanayaa hubka culus.

Warar la helayo ayaa sheegaya in dagaalka uu markii hore ee maanta uu ka bilowday weerar ay ciidanka Somaliland kusoo qaadeen fariisimo ay ciidanka SSC ku leeyihiin duleedka Laascaanod, iyadoona ciidanka SSC ay iska caabiyeen weerarka.

- Advertisement -

Khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay dagaalka saacadaha badan socda, inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn inta uu la egyahay, Saraakiil u hadlay SSC ayaa sheegay inay khasaaro gaarsiiyeen ciidamada Somaliland, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana lasoo warinayaa inay labada dhinac is weydaarsadeen hubka noocyadiisa kala duwan. Sidoo kale madaafiic xoogan ayaa ku dhacday aagga lagu dagaalamayo, taas oo uga sii dareysa xaaladda adag ee ka taagan halkaasi.

Muddooyinkii u dambeeyay xaaladda Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa ahayd mid deggan, inkastoo ciidamada Somaliland ay madaafiic ku garaacayeen mararka qaarkood gudaha Laascaanood, taasi oo dhalisay khasaaro nafeed iyo mid hantiyadeed intaba.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts