HomeWararMadaxweyne ku-xigeenka Jubbaland oo Maanta gaaray Degmada Luuq

Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland oo Maanta gaaray Degmada Luuq

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray degmada Luuq ee gobolka Gedo, waxaana halkaas ku soo dhaweeyay Maamulka Gobolka Gedo iyo kan degmada Luuq. Ujeedka safarka Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee Jubbaland ee Luuq ayaa waxa uu yahay sidii uu kulamo ula qaadan lahaa maamulka degmada, […]

- Advertisement -

Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray degmada Luuq ee gobolka Gedo, waxaana halkaas ku soo dhaweeyay Maamulka Gobolka Gedo iyo kan degmada Luuq.

Ujeedka safarka Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee Jubbaland ee Luuq ayaa waxa uu yahay sidii uu kulamo ula qaadan lahaa maamulka degmada, Odayaasha dhaqanka iyo qeybaha Bulshada, isagoo ka xogwareysan doona xaaladda degmada iyo baahiyaha jira.

- Advertisement -

Waa markii ugu horreysay oo mas’uul xil sare ka haya Jubaland uu tago gobolka Gedo tan iyo markii uu bilowday khilaafka gobolkaasi ka taagan, marka laga reebo degmada Ceelwaaq oo ay horey u tageen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubaland.

Maamulka ka jira degmada Luuq ayaa taageeray maamulka Jubbaland uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam Madoobe, waxa ayna mas’uuliyiinta maamulka sheegeen in ay la shaqeenayaan maamulka cusub ee Gedo loo soo magacaabay.

Khilaafka Gedo ayaa u dhaxeeya qaar ka mid ah siyaasiinta gobolka iyo maamulka Jubaland, waxaana arrintaa sii huriyay maamulkii uu gobolka u magacaabay dhawaan madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Latest stories