HomeWararMadaxweyne Xasan Sheekh oo Goor dhow gaaray Magaalada Jowhar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Goor dhow gaaray Magaalada Jowhar

Date:

Related stories

Somalia Gives Referee Omar Artan a Hero’s Welcome After U.S. Entry Denial

“What happened will not disappoint me, and I promise you that I will participate in the 2030 World Cup,” he said. He also urged Somali youth not to lose faith in their country or their passport.

Musharax Galmudug Liban Axmed oo $50,000 ku wareejiyay garsoore Cumar Artan

Musharax Galmudug oo $50,000 ku wareejiyay garsoore Cumar Artan Muqdisho,...

Aadan Madoobe oo xilka la wareegay Koonfur Galbeed

Aadan Madoobe oo xilka la wareegay Koonfur Galbeed Baydhabo, 11...

Taliyeyaasha SNA & Booliiska oo kormeeray TURKSOM

Taliyeyaasha ciidamada oo kormeeray Kulliyadda TURKSOM Muqdisho, 11 Juun 2026 –...
- Advertisement -

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar ee caasimadda dowlad Goboleedka Hirshabeelle, halkaasi oo siweyn loogu soo dhaweeyay.

Garoonka diyaaradaha Jowhar ee Maxamed Dheere ayaa waxaa Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdiga la socday kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe, Wasiiro, Xildhibaano, saraakiil iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

- Advertisement -

Safarka Madaxweynaha ayaa waxaa uu yahay mid la xiriira arimaha Hirshabelle ee khilaafka dhanka maamulka ee Hiiraan ka taagan iyo u diyaar garoowga howlgalka wejiga labaad ee lagula dagaalamayo Al-Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulamo la qaadan doona Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe iy mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulkaas, isagoo kala hadli doona arrimaha dagaalka Al-Shabaab iyo arrinta Hiiraan.

Ammaanka magaalada Jowhar ee caasimadda Maamulka Hirshabeelle ayaa aad loo adkeeyay, waxaana la xiray inta badan waddooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa Xarunta Madaxtooyada Hirsahbeelle.

Latest stories