HomeWararCiidanka Jubbaland oo dib ula wareegay degaan ay qabsadeen Al-Shabaab

Ciidanka Jubbaland oo dib ula wareegay degaan ay qabsadeen Al-Shabaab

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Dagaal u dhexeeyay ciidanka Daraawiishta Maamulka Jubbaland iyo Al-Shabaab ayaa xalay ka dhacay deegaanka Gerileey ee ka tirsan Gobolka Gedo, waxaana dagaalkaas uu biliowday ka gadaal markii ciidanka Jubbaland ay weerareen deegaankaas. Dagaalka oo socday saacado ayaa waxaa gacan ku heynta deegaanka Gerileey kula wareegay ciidanka Daraawiishta Maamulka Jubbaland, kuwaasi oo saacadihii hore ee shalay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dagaal u dhexeeyay ciidanka Daraawiishta Maamulka Jubbaland iyo Al-Shabaab ayaa xalay ka dhacay deegaanka Gerileey ee ka tirsan Gobolka Gedo, waxaana dagaalkaas uu biliowday ka gadaal markii ciidanka Jubbaland ay weerareen deegaankaas.

Dagaalka oo socday saacado ayaa waxaa gacan ku heynta deegaanka Gerileey kula wareegay ciidanka Daraawiishta Maamulka Jubbaland, kuwaasi oo saacadihii hore ee shalay isaga baxay deegaankaas, ayna qabsadeen dagaalamayaasha Al-Shabaab.

- Advertisement -

Wararka la helayo ayaa sheegaya in ciidanka Jubbaland ay haatan ku sugan yihiin deegaanka, isla markaana ka wadaan howlgalo lagu xaqiijinayo amniga, qaar kamid dadka deegaanka Gerileey ayaa soo wariyey in xaalada ay tahay mid dagan.

Saraakiisha ciidamada maamulka ayaa illaa iyo had aka warbixin dagaalkii dhacay oo la tilmaamay inuu dhaliyey khasaaro kala duwan oo dhinacyada soo kala gaaray, inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn inta uu la egyahay khasaaraha jira.

Waa markii labaad mudo laba todobaad gudahood ah ay Al-shabaab weerar culus ku qaadaan deegaanka Gerileey ,kadib markii dhamaadkii bishii lasoo dhaafay ay faarujiyeen ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka ciidanka ATMIS Saldhigii ay halkaasi ku lahayeen mudo ku dhaw 10 sano.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts