HomeWararRa'iisul Wasaare Xamse oo Warbixin siiyay Gaas & Cumar Cabdirashiid

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Warbixin siiyay Gaas & Cumar Cabdirashiid

Date:

Related stories

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...

Kenya cites security concerns, militant threats in maintaining Somalia border closure

Kenyan President William Ruto has said the border between...

Mogadishu airport operating normally, aviation authority says

Somalia's Civil Aviation Authority has dismissed reports that flight...
- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa hoygiisa kulan kula qaatay labo kamid ah Ra’iisul Wasaarayaashii dalka soo maray oo kala ah Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke.

Xamsa ayaa Ra’iisul Wasaarayaasha hore warbixin qoto-dheer kasiiyay shaqada Xukuumadda iyo guulaha ay ku tallaabsatay oo ay ugu horreyso dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, halka uu maraayo barnaamijka deyn cafinta oo heer gebo-gebo ah ku dhow.

- Advertisement -

Sidoo kale waxa uu Xamse Ra’iisul Wasaareyaasha hore uga warbixiyay hannaanka dalka looga qadaayo cuna-qabateynta hubka iyo sidii Dowladda Soomaaliya dhammaadka sannadka 2024 ula wareegi lahayd amniga dalkeenna.

Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa ka mid ah Madaxdii Hore iyo siyaasiyiinta dalka, oo shir wadatashi ah uu uga furmay magaalada Muqdisho iyaga iyo madaxda dowladda Federaalka.

Shirka oo maanta galay maalintii labaad ayaa lagu gorfaynayaa xaaladda dalka, amniga, la dagaalanka Al-Shabaab, dib u eegista dastuurka iyo dimuqoraadiyeynta dalka.

Latest stories