HomeWararGolaha Wasiirada oo ansixiyey hindise sharciyeedka Hubka Somalia & xeerka Amniga

Golaha Wasiirada oo ansixiyey hindise sharciyeedka Hubka Somalia & xeerka Amniga

Date:

Related stories

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...

Kenya cites security concerns, militant threats in maintaining Somalia border closure

Kenyan President William Ruto has said the border between...

Mogadishu airport operating normally, aviation authority says

Somalia's Civil Aviation Authority has dismissed reports that flight...
- Advertisement -

Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka dalka, Saalax Axmed Jaamac, ayaa u magacaabay Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha  , Axmed Saciid Maxamed, kaddib soo jeedinta Wasaaradda Amniga Gudaha.

Golaha ayaa sidoo kale ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee magacaabista xubnaha Golaha Maamulka Hay’adda Korontada oo laf-dhabar u noqon doonta kor-joogtaynta farsamo iyo dhaqan-galinta Sharciga Korontada, xubnaha oo ka kooban sagaal xubnood ayaa lagu soo xushay khibraddooda.

- Advertisement -

Shirka Golaha Wasiirrada ayaa  lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedka Hubka Soomaaliya iyo Xeerka Amniga iyo Bedqabka Xurumaha Dowladda, Amniga Hotellada, Goobaha Ganacsiga iyo Xarumaha adeegyada Bulshada.

Sidoo kale, Wasaaradaha Amniga Gudaha, Gaashaandhigga, Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta iyo Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ayaa goluhu ka dhageystay warbixinno muhiim ah oo ku saabsan Amniga, Waxbarashada iyo Hirgalinta Nidaamka Aqoonsiga dadweynaha.

Latest stories