HomeWararDF oo lagu eedeeyay inay Somaliland ku garab ku siineyso Duqeynta Laascaanood

DF oo lagu eedeeyay inay Somaliland ku garab ku siineyso Duqeynta Laascaanood

Date:

Related stories

Muqdisho Oo Shaacisay Natiijada Fasalka 8aad 2025-2026

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay natiijada imtixaanka Fasalka 8aad, iyadoo saddex arday lagu dhawaaqay inay kaalmaha ugu sarreeya galeen, lana guddoonsiiyay abaalmarinno.

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Garaad Jaamac Garaad Cali oo ka hadlaayay xaflad ka dhacday magaalada Nairobi ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya u jeediyay eedeyn la xiriirta dagaalka bilooyinkii lasoo dhaafay ka socday magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool. Garaad Jaamac oo kamid ah Garaadada SSC ayaa dowladda Federaalka ku eedeeyay inay Maamulka Somaliland garab ku siinayso duqeymaha ay ka geystaan […]

- Advertisement -

Garaad Jaamac Garaad Cali oo ka hadlaayay xaflad ka dhacday magaalada Nairobi ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya u jeediyay eedeyn la xiriirta dagaalka bilooyinkii lasoo dhaafay ka socday magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.

Garaad Jaamac oo kamid ah Garaadada SSC ayaa dowladda Federaalka ku eedeeyay inay Maamulka Somaliland garab ku siinayso duqeymaha ay ka geystaan magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, taasi oo sababta khasaaro nafeed iyo burbur gaaraya dhismayaal.

- Advertisement -

Waxa uu Garaadka tilmaamay in Madaxda dowladda raali ka yihiin duqeynta Laascaanood, isagoona si gaar ah u tilmaamay Madaxweynaha dowladda Federaalka Xasan Sheekh  Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, waa sida uu hadalka u dhigay.

“Xukuumadda maanta jirta, afka ka dhowri mayno, waxaan ognahay oo isa soo taraya in iyadu garab ku siinayso Somaliland duqeynta Laascaanood,” ayuu yiri Garaadka.

Dowladda federaalka ah weli kama jawaabin eedeynta loo jeediyay. Horey se, waxay dhowr mar ugu baaqday wada-hadal iyo xabad-joojin, iyada oo madaxweyne Xasan Sheekh kula kulmay Muqdisho qaar ka mid ah odeyaasha dhaqanka Sool.

- Advertisement -

Si kastaba, Hadalkan kasoo yeeray Garaad Jaamac ayaa kusoo aadaya xilli wasiirka arrimaha gudaha maamulka Somaliland dhawaan uu shaaciyay in dowladda federaalka Soomaaliya aysan qeyb ka aheyn dadka kula dagaallamaya Laascaanood.

Latest stories