HomeWararGaas iyo Cumar C/rashiid oo War kasoo saaray waan-waantii ay ka wadeen...

Gaas iyo Cumar C/rashiid oo War kasoo saaray waan-waantii ay ka wadeen Puntland

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Ra’iisul Wasaareyaashii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake iyo Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo mar soo noqday Madaxweynaha Puntland ayaa War ka soo saaray waan-waantii ay ka wadeen Puntland. War-saxaafadeed ay si wadajir ah usoo saareen Gaas iyo Cumar Cabdirashiid ayaa waxa ay ku sheegeen in muddo tobaabad ah ay ku sugnaayeen Puntland, ayna […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaareyaashii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake iyo Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo mar soo noqday Madaxweynaha Puntland ayaa War ka soo saaray waan-waantii ay ka wadeen Puntland.

War-saxaafadeed ay si wadajir ah usoo saareen Gaas iyo Cumar Cabdirashiid ayaa waxa ay ku sheegeen in muddo tobaabad ah ay ku sugnaayeen Puntland, ayna halkaasi u joogeen xal u helida khilaafyada ka taagan Puntland ee salka ku haaya doorashooyinka.

- Advertisement -

Labada siyaasi ayaa la kulmay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ku-xigeenkiisa, Axmed Karaash, Isimada dhaqanka iyo xubnaha mucaaradka ku ah Maamulka Puntland, iyagoona ka wada hadlay sidii loo xalin lahaa khilaafka jira.

Gaas iyo Cumar Cabdirashiid ayaa soo jeediyey qodobo dhowr ah oo kamid yihiin: In sida ugu dhaqsiyaha badan loo qabto doorashada Golaha deegaanka saddexdo degmo ee Gobolka Nugaal ee ka harsan doorashooyinkii Golaha deegaannada ee halkaas ka dhacay.

Sidoo kale waxa ay soo jeediyeen in In la joojiyo dastuur furista Maamulka Puntland, isla markaana 9-ka Urur siyaasadeed ay ka diiwaan-gashan Puntland ay noqdaan xisbiyada siyaasadeed ee Puntland muddo ah shan sanno, kana qeyb galaan doorashada Golaha Wakiilada ay soo socota.

- Advertisement -

Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka 

 

Latest stories