HomeWararDuqeymo Diyaaradeed iyo Dagaal culus oo ka dhacay degaano ka tirsan Hiiraan

Duqeymo Diyaaradeed iyo Dagaal culus oo ka dhacay degaano ka tirsan Hiiraan

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Dagaal u dhexeeyay ciidanka xoogga dalka, kuwa deegaanka ee macwiisleyda oo isku dhinac ah iyo Al-Shabaab ayaa waxa uu saaka ka dhacay deegaannada Beeroyabaal iyo Baardheere oo Gobalka Hiiraan ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle. Dagaalka oo mid xooggan ayaa waxa uu bilowday ka gadaal markii ciidanka xoogga iyo kuwa deegaanka ay weerar ku qaadeen goob ay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dagaal u dhexeeyay ciidanka xoogga dalka, kuwa deegaanka ee macwiisleyda oo isku dhinac ah iyo Al-Shabaab ayaa waxa uu saaka ka dhacay deegaannada Beeroyabaal iyo Baardheere oo Gobalka Hiiraan ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Dagaalka oo mid xooggan ayaa waxa uu bilowday ka gadaal markii ciidanka xoogga iyo kuwa deegaanka ay weerar ku qaadeen goob ay ku sugnaayeen dagaalamayaasha Al-Shabaab, sida ay ku warrantay Warbaahinta ku hadasha afka dowladda Federaalka.

- Advertisement -

Wararka la helayo ayaa sheegaya in dagaalka oo la isku adeegsanayo hubka culus uu weli ka socdo deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan, isla markaana uu ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh, inkastoo aan weli la xaqiijin inta uu la egyahay.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in duqeymo xooggan oo dhanka cirka ah ay barbar socdaan dagaalka, waxaana diyaarado dagaal duqeymo la beegsadeen goobihii ay ku sunaayeen Shabaabka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in faah faahin dheerada ah ka bixin doonto howlgalkan isugu jiray dagaalka iyo duqeymaha ka dhacay Gobolka Hiiraan.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts