HomeWararDab khasaaro geystay oo ka kacay Suuqii ugu weynaa ee Magaalada Jigjiga

Dab khasaaro geystay oo ka kacay Suuqii ugu weynaa ee Magaalada Jigjiga

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Dab ka kacay suuqa tayeynta cusub ee magaalada Jigjiga ee caasimadda dowlad deegaanka Soomaalida fiidnimadii dambe ee xalay ayaa geystay khasaare hantiyeed oo xooggan walow an wali la sheegin inta uu la egyahay khasaaruhu. Dabkan qasaday suuqa weyn ayaan la xaqiijin khasaaraha rasmiga ah ee uu geystay, halka uu ka bilowdday iyo sababta intaba, waaxana […]

- Advertisement -

Dab ka kacay suuqa tayeynta cusub ee magaalada Jigjiga ee caasimadda dowlad deegaanka Soomaalida fiidnimadii dambe ee xalay ayaa geystay khasaare hantiyeed oo xooggan walow an wali la sheegin inta uu la egyahay khasaaruhu.

Dabkan qasaday suuqa weyn ayaan la xaqiijin khasaaraha rasmiga ah ee uu geystay, halka uu ka bilowdday iyo sababta intaba, waaxana dabka uu ahaa mid xooggan oo gebi ahaan ku faafay Suuqa.

- Advertisement -

“Shacab iyo dawladba waa la dadaalayaa masiibadani dabkuna ma sahlana hadana waa la dadaali anagoo Allaah la kaashanayna” waxaa sidaasi tiri Marwo. Xaliimo xasan, Wasiirka Xafiiska Arrimaha haweenka & caruurta ee dawlad deegaanka Soomaalida.

Gaadiidka gurmadka deg-dega ah ee dab demiska ayaa buux-dhaafiyay waddooyinka soo gala suuqa gubtay, waxaana  Sawirro lasoo qaaday ay muujinayaan baaxada uu ahaa dabka qabsaday suuqa tayeynta cusub ee magaalada Jigjiga.

Latest stories