HomeWararBuuq iyo sawaxan hareeyay kulan u socda Xildhibaanada Golaha Shacabka

Buuq iyo sawaxan hareeyay kulan u socda Xildhibaanada Golaha Shacabka

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo sabti ah waxa ay kulan caadi ah ku leeyihiin Xarunta Villa Hargeysa ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. Buuq iyo sawaxan ayaa ka bilowday kulanka ka socda Xarunta Golaha Shacabka, kaddib markii qaar ka mid ah Xildhibaannada Golaha ay keeneen mooshin ay ku diidan yihiin qorshaha […]

- Advertisement -

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo sabti ah waxa ay kulan caadi ah ku leeyihiin Xarunta Villa Hargeysa ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Buuq iyo sawaxan ayaa ka bilowday kulanka ka socda Xarunta Golaha Shacabka, kaddib markii qaar ka mid ah Xildhibaannada Golaha ay keeneen mooshin ay ku diidan yihiin qorshaha Xukuumadda ee Wasiirada lagu horkeenayo Golaha.

- Advertisement -

Qaar ka mid ah Xildhibaannada ayaa sheegay in Wasiir aanay u yeerin oo aan soo marin habraacyada xeer hoosaadka aanay diyaar u aheyn in Golaha la iska keeno oo warqado ku qoran Jadwalka Wasiirada ku hor imaanayaan Golaha Shacabka ay Xukuumadda iska soo qorato.

“Xildhibaano tiradooda gaareyso illaa 30 xildhibaan ayaa dalbaday in ajendaha lagu kordhiyo ajenda kale oo ay ku sheegeen isla xisaabtan iyo habsami u socodka Golaha” ayuu yiri Guddoomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo kulan shir guddoominaya.

Wasiirka amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cali Doodishe ayaa ku sugan Xarunta Villa Hargeysa, waxaana Buuqa iyo sawaxan uu socdaa ku dhawaad 30 daqiiqo.

Latest stories