HomeWararFaah faahin: Duqeyn khasaaro geystay oo ka dhacday degaan ka tirsan Gedo

Faah faahin: Duqeyn khasaaro geystay oo ka dhacday degaan ka tirsan Gedo

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Wararka aan ka heleyno deegaanka Ceel-Cadde oo ka tirsan Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in xalay halkaasi ay ka dhacday duqeyn dhanka cirka ah oo ay fuliyeen diyaarado loo maleynayo inay leeyihiin ciidamada dowladda Kenya. Duqeynta ayaa dhalisay khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh oo gaaray dad shacab ah oo ku sugnaa goobaha la […]

- Advertisement -

Wararka aan ka heleyno deegaanka Ceel-Cadde oo ka tirsan Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in xalay halkaasi ay ka dhacday duqeyn dhanka cirka ah oo ay fuliyeen diyaarado loo maleynayo inay leeyihiin ciidamada dowladda Kenya.

Duqeynta ayaa dhalisay khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh oo gaaray dad shacab ah oo ku sugnaa goobaha la duqeeyay ee deegaanka Ceel-Cadde, dhowr Gantaal oo ay soo rideen diyaarado joog hoose ku socday ayaa ku dhacay dad shacab ah.

- Advertisement -

Qaar kamid ah dadka deegaanka Ceel-Cadde ayaa kusoo warramay inay maqlayeen jugta dhowr Gantaal oo ay rideysay diyaarad, ayna ku dhaceen goobo ay joogeen dad Rayid ah, iyaga oo tilmaamay inuu jiro khasaarpo nafeed iyo mid hantiyadeed intaba.

Inta la xaqiijiyay labo ruux ayaa geeriyooday duqeynta diyaaradeed ee dhacday, waxaana sidoo kale jira dad dhaawacmay, inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn tirada dadka dhaawacmay, waxaana xusid mudan inay gubteen guryo duqeynta ku dhacday.

Illaa iyo hadda ma jiro war kasoo baxay Maamulka Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya oo ay uga hadlayaan duqeynta ka dhacday deegaanka Ceel-Cadde. Marar badan ayey sidaan oo kale diyaarado dagaal ay duqeyn geysatay khasaaro uga fuliyeen Gobolka Gedo.

Latest stories