HomeWararWararkii ugu danbeeyay Dad farabadan oo ku le’day shil ka dhacay Kenya

Wararkii ugu danbeeyay Dad farabadan oo ku le’day shil ka dhacay Kenya

Date:

Related stories

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...

Kenya cites security concerns, militant threats in maintaining Somalia border closure

Kenyan President William Ruto has said the border between...

Mogadishu airport operating normally, aviation authority says

Somalia's Civil Aviation Authority has dismissed reports that flight...

Mogadishu sees lull in fighting after mediation

Clashes between Somali government forces and opposition-aligned groups in...

Police say no protest allowed as fighting erupts in Mogadishu

Police in Somalia's capital Mogadishu said security forces were...
- Advertisement -

Ugu yaraan 48 qof ayaa ku dhintay shil gaari oo ka dhacay magaalada Londiani ee galbeedka Kenya fiidnimadii Jimcaha, kadib markii gaari xamuul ah oo siday konteenar shixnad ah uu waddada ka baxay kadibna uu ku jiiray dhowr baabuur, sida ay sheegeen booliska iyo goob-joogayaal.

Muuqaallo laga soo duubay shilkan oo ay baahiyeen warbaahinta maxalliga ah ayaa muujinayay burburka baabuurta iyo mootooyinka oo ay barbar socdeen bas yar iyo baabuur kuwa xamuulka ah oo burburay.

- Advertisement -

Taliyaha booliiska gobolka, Tom Odera ayaa sheegay in dhimashadu ay mareyso 48 fiidnimadii Jimcaha.

Laanqeyrta cas ee Kenya ayaa sheegtay in gaarigan xamuulka ah uu jiiray in ka badan lix baabuur, islamarkaana uu dilay dad lugeynayay, waxayna intaas ku dartay in inka badan 20 dhaawac ah ayaa sidoo kale loo qaaday isbitaallada deegaanka

“Dalku waxa uu la murugeysan yahay qoysaskii eheladooda ku waayay shil bahalnimo oo ka dhacay magaalada Londiani,” ayuu madaxweynaha Kenya William Ruto kusoo qoray bartiisa Twitter-ka.

- Advertisement -

Shilkan ayaa noqonaya kii ugu khasaaraha badnaa ee sannadihii lasoo dhaafay ka dhaca waddooyinka dalka Kenya.

Sannadkii hore 34 qof ayaa ku dhintay bartamaha Kenya kadib markii bas ay saarnaayeen uu ka dhacay buundo, kuna dhacay webiga.

Latest stories