HomeWararWaddooyinka qaar ee Muqdisho oo Maanta xiran & Diyaar garoow socda

Waddooyinka qaar ee Muqdisho oo Maanta xiran & Diyaar garoow socda

Date:

Related stories

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...

Kenya cites security concerns, militant threats in maintaining Somalia border closure

Kenyan President William Ruto has said the border between...

Mogadishu airport operating normally, aviation authority says

Somalia's Civil Aviation Authority has dismissed reports that flight...

Mogadishu sees lull in fighting after mediation

Clashes between Somali government forces and opposition-aligned groups in...

Police say no protest allowed as fighting erupts in Mogadishu

Police in Somalia's capital Mogadishu said security forces were...
- Advertisement -

Waxaa Maanta oo sabti ah xiran inta badan waddooyinka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, waxaana waddooyinka la dhigay ciidamo farabadan oo isugu jira kuwa Boolis Milataaro iyo ciidanka koofi casta ee Madaxtooyada.

Ciidamada ayaa waddooyinka ka xiray Maka Al-mukarama, Taleex, Banaadir, Isgoyska Siinaay, sidoo kale waxaa xiran wadada Warshadaha iyo qeybo kamid ah wadada Wadnaha ee magaalada Muqdisho, gaadiidka noocyadiisa kala duwan ayaa loo diidayaa inay maraan waddooyinkaas.

- Advertisement -

Ujeedka loo xiray waddooyinka ayaa ah Munaasabadda sannad guurada 63-aad ee ka soo wareegtay markii ay xoroobeen Gobollada Koonfureed ee dalka iyo midnimadii labada Gobol ee Waqooyi iyo Koonfur ee 1-da Luuliyo.

Munaasabadda ayaa saacadaha soo socda lagu wadaa inay ka bilaabato Garoonka kubada caggta ee  Stadium Muqdisho, waxaana haatan socda diyaar garoow ballaaran oo ku aadan qabsoomida Munaasabadda  1-da Luuliyo.

Madaxda ugu sareeysa dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay ugu horreeyan Madaxwweyne Xasan Sheekh iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo dadweyne farabadan ayaa ka qeybgalaya Munaasabadda.

- Advertisement -

Si kastaba, Xiritaanka Wadooyinka ayaa saameyn adag ku yeeshay socodka, dadka, gaadiidka iyo ganacsiga, isla markaana waxa dadka ay yihiin kuwo cagtooda maalaya.

Latest stories