HomeWararWararkii ugu danbeeyay Ciidanka Xoogga oo dib ula wareegay Daaru-nicma

Wararkii ugu danbeeyay Ciidanka Xoogga oo dib ula wareegay Daaru-nicma

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa macwiisleyda ah ayaa duhurnimadii Maanta dib ula wareegay gacan ku heynta deegaanka Daaru-Nicma, oo aroornimadii hore ee saaka ay qabsadeen Al-Shabaab, kadib weerar iyo dagaal toos ah oo ka dhacay halkaasi. Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa waxa ay sheegeen inay ciidamada xoogga ay dib u qabsadeen deegaanka Daaru-Nicma […]

- Advertisement -

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa macwiisleyda ah ayaa duhurnimadii Maanta dib ula wareegay gacan ku heynta deegaanka Daaru-Nicma, oo aroornimadii hore ee saaka ay qabsadeen Al-Shabaab, kadib weerar iyo dagaal toos ah oo ka dhacay halkaasi.

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa waxa ay sheegeen inay ciidamada xoogga ay dib u qabsadeen deegaanka Daaru-Nicma oo hoostaga degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe, ayna halkaasi ka wadaan howlgalo lagu xaqiijinayo amniga.

- Advertisement -

Al-Shabaab ayaa subaxnimadii hore ee saaka oo jimco ah weerar kusoo qaaday saldhiga deegaanka, isla markaana waxaa durbadii goobta ka bilowday dagaal culus oo dhexmaray Shabaabka iyo ciidanka xoogga, wuxuuna socday dhowr saacadood oo xiriir.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalkii dhacay oo dhinacyada soo kala gaaray, inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn inta uu la egyahay khasaaraha, sidoo kalena ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dowladda Federaalka.

Al-Shabaab ayaa sheegatay inay la wareegtay gacan ku haynta deegaanka Daaru-Nicma, isla markaana ay burburisay saldhigyadii ciidanka dowladda ee deegaankaasi, ayna halkaas iskaga carareen ciidankii joogay, wallow dib ay u qabsadeen deegaanka.

- Advertisement -

Si kastaba, Deegaanka Daaru-Nicma ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Maamulka Hirshabeelle ayaa kamid ahaa deegaanadii ugu dambeeyay ee Gobolkaas oo ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaano macwiisleeyda ay kala wareegeen Al-Shabaab.

Latest stories