HomeCaalamkaCaro ka dhalatay fal lagu gubay nuqul kamid ah kitaabka Qur’aanka Kariimka

Caro ka dhalatay fal lagu gubay nuqul kamid ah kitaabka Qur’aanka Kariimka

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Salman Momika oo  ah Kirishtaan 37 jir ah,  kuna nool dalka Sweden ayaa waxa uu shalay oo ahayd Maalintii Koowaad ee Ciiddul-Adxa uu Nuqul ka mid ah Masxafka Qur’aanka Kariimka ku gubay Barxadda Masjidka Jaamaca ugu weyn  ee ku yaalla Caasimadda dalka Sweden ee Stockholm. Ninkaasi Kirishtaan ah ayaa waxa la sheegay inuu dhowr sano […]

- Advertisement -

Salman Momika oo  ah Kirishtaan 37 jir ah,  kuna nool dalka Sweden ayaa waxa uu shalay oo ahayd Maalintii Koowaad ee Ciiddul-Adxa uu Nuqul ka mid ah Masxafka Qur’aanka Kariimka ku gubay Barxadda Masjidka Jaamaca ugu weyn  ee ku yaalla Caasimadda dalka Sweden ee Stockholm.

Ninkaasi Kirishtaan ah ayaa waxa la sheegay inuu dhowr sano ka hor ka soo qaxay dalkiisa Hooyo, iyadoo  Falka uu ku gubay Kitaabka Qur’aanka sameeyey, xilli ay Ilaalo ka hayeen Askar ka tirsan Boliska dalkaasi.

- Advertisement -

Muuqaalo la soo dhigay Baraha Bulshada ayaa waxaa laga dheehday Askarta oo Is-hortaagtay Dhallinyaro Muslimiin ah oo doonayey inay ka hortagaan Falka lagu gubi lahaa Nuqulka Kitaabka Qur’aanka Kariimka.

Muuqaallada ayaa waxaa kaloo laga arkayey Salwan Momika oo ku xad-gubayo Nuqulka Kitaabka Qur’aanka Kariimka iyo isagoo gubayo dhowr Baal oo ka mid ah Kitaabka Qur’aanka Kariimka.

Ninkaasi waxa kale oo uu Kitaabka Qur’aanka Kariimka dhex geliyey Hilibka Qaansiirka ama Doofaarka oo xaaraan ka ah dadka Islaamka.

- Advertisement -

Si kastaba, Muslimiinta Caalamka waxay aad uga caroodeen Xadgudubkaasi, waxayna si kulul u cambaareeyeen falkii lagu gubay Nuqulka Kitaabka Qur’aanka Kariimka .

Ma aha markii ugu horeysay ee Nuqul ka mid ah Kitaabka Qur’aanka Kariimka lagu gubo dalka Sweden iyo dalalka Reer Galbeedka.

 

 

W/Q: Ustaad Nuuradiin 

Latest stories