HomeWararMalaayiin Xujey ah oo Maanta ku cibaadeysan doona Buurta Carafa

Malaayiin Xujey ah oo Maanta ku cibaadeysan doona Buurta Carafa

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

In ka badan laba malyan xujey ah oo sanadkaan 1444H/2023 xajineysa ayaa maanta ku cibaadeysanaya oo ah Buurta Carafa, si ay u gutaan mid kamid ah Ruk-niyada ugu muhiimsan ee xajka. Kummanaan Soomaali ah oo ka baxay dalka iyo dibbadiisa ayaa ka mid ah muslimiinta gudaneysa waajibaadka xajka ee sanadkaan. Warbaahinta Sacuudiga ayaa ku warrantay, […]

- Advertisement -

In ka badan laba malyan xujey ah oo sanadkaan 1444H/2023 xajineysa ayaa maanta ku cibaadeysanaya oo ah Buurta Carafa, si ay u gutaan mid kamid ah Ruk-niyada ugu muhiimsan ee xajka.

Kummanaan Soomaali ah oo ka baxay dalka iyo dibbadiisa ayaa ka mid ah muslimiinta gudaneysa waajibaadka xajka ee sanadkaan.

- Advertisement -

Warbaahinta Sacuudiga ayaa ku warrantay, in sannadkan ay xajinayaan laba milyan iyo bar xujey ah, taas oo noqon doonta tiradii ugu badneyd oo Muslimiin ah oo abid u soo xajisa xajka.

Ammaanka ayaa siweyn loo adkeeyay, waxaan la arkayaa ciidamo aad u badan oo ku sugan Magaalada Maka Al-mukarama, waxaana gaadiidka laga mamnuucay Isticmaalka waddooyinka Masaajida Barakaysan.

Saddexdii sanno ee lasoo dhaafay ayaa waxaa soo xajineysay wax kayar hal malyan qof, kadib markii uu caalamka ka dilaacay Cudurkii halista badnaa ee COVID-19 ee dunida oo dhan saameynta xooggan ku yeeshay.

- Advertisement -

Sidoo kale Muslimiinta ku nool Caalamka ayaa maanta oo kale sagaalka bisha Dul-haj ay sooman yihiin soon sunno ah oo aad u ajir badan, lagana cafinayo dunuubta yar yar ee ay galeen laba sanno.

Maalinta Berri ah ayaa guud ahaanba dunida muslimka looga diyaar-garoobayaan u dabaal-dega maalinta koowaad Ciidul Adxaa oo ka mid ah ciidaha ugu waaweyn ee Muslimiintu leeyihiin.

Latest stories