HomeWararBooliska Gobolka Banaadir oo Gacanta ku dhigay dagaalame hogaaminayay Weerar Qal-qal galin...

Booliska Gobolka Banaadir oo Gacanta ku dhigay dagaalame hogaaminayay Weerar Qal-qal galin ahaa

Date:

Related stories

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada Muqdisho, 9 Juun...

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar Waxaa...

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...
- Advertisement -

Taliska Qeybta Guud ee Booliska Gobalka Banaadir oo Soo Bandhigay Dagaalame ay sheegeen inuu Hoggaaminayay weerar loo adeegsaday Gantaallo Macmal ah oo la doonayay in lagu qalqal galiyo Shacabka Magaalada Muqdisho.

War Qoraal ah oo kasoo baxay Taliska Qeybta Guud ee Booliska Gobalka Banaadir ayaa lagu sheegay in Alshabaab ay weerar gantaalo macmal ah ku qal qal galiyeen Shacabka Caasimadda, kuwaas oo aan wax dhibaato ah geesan.

- Advertisement -

Kadib howlgal degdeg ah oo ay qaadeen Ciidamada qaabilsan sugidda amniga Caasimadda ayaa waxa ay gacanta kusoo dhigeen dagaalame ay sheegeen inuu hogaaminayay xubnihii weerarka soo qaaday, kaas oo magaciisa lagu sheegay, Xuseen Cali Deerow Buule waxaana la horgeyndoonaa Maxkamadda ku shaqada leh danbiyada noocaan oo kale ah, waa ay hadalka u dhigeene Booliska Gobolka Banaadir.

Sidoo kale Qoraalka kasoo baxay Booliska ayaa lagu sheegay in ciidamadu ay ka hortageen gantaalo rakiban oo aan wali laridin, waxaana gantaaladii lagu burburiyay isla goobtaas halka baaris ay ku socoto dagaalamihii la soo qabtay.

Latest stories