HomeWararWasaaradda Amniga Somalia oo Digniin kasoo saartay hubka sharci darrada ah

Wasaaradda Amniga Somalia oo Digniin kasoo saartay hubka sharci darrada ah

Date:

Related stories

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...

Kenya cites security concerns, militant threats in maintaining Somalia border closure

Kenyan President William Ruto has said the border between...

Mogadishu airport operating normally, aviation authority says

Somalia's Civil Aviation Authority has dismissed reports that flight...
- Advertisement -

Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka  Soomaaliya ayaa awaamiir adag kasoo saartay hubka sharci darrada ah ee aan ka diiwaan gashaneyn wasaaradda, kadib War-saxaafadeed ay Maanta Wasaaradda soo saartay .

Wasaaradda Amniga ayaa sheegtay in sharciga uusan ogolaaneynin in hub sharci darro ah lagu dhex heysto hoyga, xafiisyada shaqada iyo goobaha ganacsiga, sidoo kalena aan la ogoleynin ka ganacsigiisa, soo dejinta iyo dhoofinta hubka.

- Advertisement -

Qoraalka Wasaaradda Amniga ayaa lagu faray hay’addii ama shirkaddii ka maarmi weysa hub ay u adeegsato oo ay isku ilaaliso inay ku waajib tahay  in ay ka diiwaangeliso Wasaaradda Amniga, iyagoona intaas kusii daray in cid kasta oo sharciga jebisa tallaado laga qaadi doono.

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda.

“Muwaadinka xushmadda iyo qaddarinta mudanoow sharcigu kuuma ogolaanayo inaad hub/rasaas ku heysato, hoygaaga, xafiiskaaga shaqada, goobtaada ganacsi ama gaadiidkaaga dhexdiisa.

- Advertisement -

Sidoo kale sharcigu kuuma ogolaanayo ka ganacsiga, soo dejinta iyo dhoofinta hubka.

Dhamaan falalkaasi waa dambi, qofkii lagu helana sharciga ayaa lala tiigsanayaa.

Hubka iyo rasaastu waa in ay gacan dowladeed oo qura ku jiraan, Sidaa awgeed Qofkii, hay’addii ama shirkaddii ka maarmi weysa hub ay u adeegsato in ay isku ilaaliso waxaa ku waajib ah in ay ka diiwaangeliso Wasaaradda Amniga Gudaha.

Muwaadin ka digtoonoow in aad sharciga jebiso oo aad ciqaab mudato.

Latest stories