HomeWararShir looga hadlayo Xasilinta & soo kabashada degaanadii la xoreeyey oo furmay

Shir looga hadlayo Xasilinta & soo kabashada degaanadii la xoreeyey oo furmay

Date:

Related stories

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada Muqdisho, 9 Juun...

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar Waxaa...

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...
- Advertisement -

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XJFS Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta furay Kulan Heerkiisu Sarreeyo oo looga hadlayo Xasilinta iyo soo kabashada deegaannadii laga xoreeyey Al-Shabaab.

Shirkan ayaa inta uu socdo lagu lafa-gurayaa dardar-gelinta dadaallada ku saabsan xasillinta iyo dib-u-xoreynta goobaha ay ku sugan yihiin Shabaabka iyo sidii loo midayn lahaa taageerada kala duwan ee dowladda iyo hay’adaha caalamiga ah ay gaarsiinayaan deegaannadii la xoreeyey.

- Advertisement -

Saalax oo kulanka ka hadlay ayaa tilmaamay muhiimadda uu Barnaamijkani u leeyahay Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan soo kabashada goobahii laga saaray Al-Shabaab oo u baahan in la gaarsiiyo adeegyadii guud ee dowliga ahaa.

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in xoreynta iyo Xasillinta dalku ay yihiin arrimaha horutabinta u leh Xukuumadda Dan-Qaran, isagoo la wadaagay saaxiibbada Caalamiga ah aragtida dowladda ee lagu gaari karo hiigsigaasi.

Latest stories