HomeWararNISA oo War kasoo saartay howlgal lagu dilay Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab

NISA oo War kasoo saartay howlgal lagu dilay Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab

Date:

Related stories

FIFA to pay Somali referee after US entry bar disrupted World Cup role

World football governing body FIFA has taken an exceptional...

Galmudug demands consensus-led election amid tensions

Somalia’s Galmudug state has rejected any election model imposed...

UN releases $10 mln to avert famine in Somalia as hunger crisis

The United Nations has released $10 million from its...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad Gacmeedka Soomaaliya

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad...
- Advertisement -

Ciidanka Hay’adda sirdoonka iyo nabad-sugidda Qaranka NISA oo kaashanaysa saaxiibada caalamka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyey Gobalka Shabeelaha hoose gaar ahaan beerta Faay Yuusuf oo u dhow tuulada Yimbis.

Qoraal ay soo saartay NISA ayaa waxa ay ku sheegtay in howlgalka ka dhacay Shabeellaha Hoose lagu bartilmaameedsaday dagaalamayaal Al-Shabaab ah oo ku sugnaa hawdka iyo geedaha ku yaala deegaanka Yimbis.

- Advertisement -

Howlgalkan ayaa waxyeello culus loogu gaystay Shabaabka joogay goobtaas, waxaana Taliska NISA ay sheegeen in howlgalka lagu dilay saraakiil iyo dagaalyahano tiradoodu gaarayso 45, waa sida hadalka loo dhigay.

“Xubnaha la dilay ayaa maleegayay weeraro ay ku qaadaan deegaanka Bariire ee Gobalka Shabeelaha hoose, balse Sirdoonka Qaranka oo helay xogtooda ayaa ka hortagay dhagarta ay diyaarinayeen” ayaa lagu yiri Qoraalka NISA ay soo saartay.

Ciidanka NISA oo kaashanaya Mareykanka ayaa dhowr jeer waxa ay sidaan oo kale howlgalo lagu dilay dagaalyahano ka tirsan Shabaab uga fuliyeen deegaano ka tirsan Gobolada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe.

Latest stories