HomeWararGolaha Ammaanka ee Q/Midoobay oo Maanta kulan ka leh xaaladda Somalia

Golaha Ammaanka ee Q/Midoobay oo Maanta kulan ka leh xaaladda Somalia

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Maanta oo khamiis ah waxaa ay kulan gaar ah ka yeelan doonaan xaaladda dalka Soomaaliya, sida uu shaaciyay xaafiiska Qaramada Midoobay ee Magaalada Muqdisho. Inta uu socdo kulanka Golaha Ammaanka ayaa waxaa warbixinno kooban kuna aadan xaaladda dalka jeedin doonta Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, […]

- Advertisement -

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Maanta oo khamiis ah waxaa ay kulan gaar ah ka yeelan doonaan xaaladda dalka Soomaaliya, sida uu shaaciyay xaafiiska Qaramada Midoobay ee Magaalada Muqdisho.

Inta uu socdo kulanka Golaha Ammaanka ayaa waxaa warbixinno kooban kuna aadan xaaladda dalka jeedin doonta Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, haweeneyda dhawaan lasoo magacaabay Catriona Laing, iyadoo ka Warbixin doonta Arrimo dhowr ah.

- Advertisement -

Kulankaan Xarunta Qaramada Midoobay ee NewYork maanta ka furmaya markii ay saacadu tahay , 5:00-ta galabnimo waqtiga Muqdisho.

Sidoo kale kulanka ayaa waxaa khudbad ka jeedin doona Madaxa howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS Mohamed El-Amine Souef., waxaana Golaha Ammaanka ay ka dhageysan doonaan Warbixin la xiriirta Ciidamada ATMIS iyo howlgalada la fuliyay.

Qaramada Midoobay ayaa il gaara ku haysa gaar ahaan arrimaha Colaada magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, taasi oo u dhexeeysa ciidanka maamulka Somaliland iyo kuwa SSC, dad farabadan ayaana ku naf-waayay Colaada oo bilooyinkii lasoo dhaafay jirtay.

Latest stories