HomeWararCali Jeyte oo ka horyimid xilka qaadistii uu ku sameeyay Madaxweyne Guudlaawe

Cali Jeyte oo ka horyimid xilka qaadistii uu ku sameeyay Madaxweyne Guudlaawe

Date:

Related stories

JSP oo Cali Guudlaawe U Doortay Musharraxa Hirshabeelle

Cali Guudlaawe ayaa si rasmi ah loogu aqoonsaday musharraxa Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee doorashada madaxtinimada Hirshabeelle, kaddib go’aan ay xubnaha fulinta xisbiga ku gaareen Muqdisho.

Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo Ku Guuleystay Qiimeynta Waxqabadka

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeynta waxqabadka Xukuumadda, laguna guddoonsiiyay abaalmarinno.

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa kasoo horjeestay xilka qaadistii uu xalay ku sameeyay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe, kadib markii Jeyte uu Maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baladweyne. Guddoomiye Cali Jeyte oo warbaahinta la hadlaayay ayaa waxa uu sheegay in Madaxweyne Cali Guudlaawe uusan awood u laheyn inuu xilka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa kasoo horjeestay xilka qaadistii uu xalay ku sameeyay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe, kadib markii Jeyte uu Maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baladweyne.

Guddoomiye Cali Jeyte oo warbaahinta la hadlaayay ayaa waxa uu sheegay in Madaxweyne Cali Guudlaawe uusan awood u laheyn inuu xilka ka qaado, inkastoo ay xusid mudan tahay inuu isagu markii hore magacaabay.

- Advertisement -

Cali Jeyte ayaa sheegay in  maanta wixii ka dambeeya Gobolka Hiiraan uusan qeyb ka aheyn dowlad Goboleedka Hirshabelle, isagoona ku baaqay shirweyne lagu  dhisayo maamul uu ku sheegay Magaciisa Hiiraan state oo laga hirgelinayo gobolkaas.

“Hirshabelle wax la yiraahdo ma aqoonsani,  taas beddelkeedana waxaa ku dhawaaqay dhismaha Hiiraan State” ayuu yiri Gudoomiye Cali Jeyte, Xilka qaadista lagu sameeyay Cali Jeyte ayaa laga cabsi qabaa iney khilaaf cusub ka dhaliso Gobolka Hiiraan,

Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa ahaa masuul astaan u noqday kacdoonkii iyo dagaaladii Al-shabaab looga saaray degaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Hiiraan iyo gobolada la deriska ah.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts