HomeWararWeerar lagu laayay Arday badan oo ka dhacay Iskuul ku yaalla Uganda

Weerar lagu laayay Arday badan oo ka dhacay Iskuul ku yaalla Uganda

Date:

Related stories

Somalia Gives Referee Omar Artan a Hero’s Welcome After U.S. Entry Denial

“What happened will not disappoint me, and I promise you that I will participate in the 2030 World Cup,” he said. He also urged Somali youth not to lose faith in their country or their passport.

Musharax Galmudug Liban Axmed oo $50,000 ku wareejiyay garsoore Cumar Artan

Musharax Galmudug oo $50,000 ku wareejiyay garsoore Cumar Artan Muqdisho,...

Aadan Madoobe oo xilka la wareegay Koonfur Galbeed

Aadan Madoobe oo xilka la wareegay Koonfur Galbeed Baydhabo, 11...

Taliyeyaasha SNA & Booliiska oo kormeeray TURKSOM

Taliyeyaasha ciidamada oo kormeeray Kulliyadda TURKSOM Muqdisho, 11 Juun 2026 –...
- Advertisement -

Ugu yaraan 25 Arday ayaa la dilay, 8 kalena waa la  dhaawacay, kadib,  markii xalay weerar lagu qaaday Dugsi Sare oo gaar loo leeyahay, kuna yaalla Deegaanka Mpondwe ee Degmada Kasese ee Galbeedka dalkaasi.

Ilo-wareedyo dhanka Ammaanka ayaa saakayto sheegay in Weerarkaasi lagu tuhunsan yahay dabley ka tirsan Kooxda isku magacowda Ciidanka Isbahaysiga Dimuqraadiyada ( The Allied Democratic Forces) ee ADF.

- Advertisement -

Booliska Uganda ayaa waxay xaqiijiyeen in weerarka dilka iyo dhaawaca sababay  xalay abaarihii 11-kii Fiidnimo lagu qaaday Dugsiga Sare ee Lhubiriha Secondary School ee ku yaalla Degmadda Mpomdwe oo qiyaastii 2KM u jirta Xuduudka Uganda la wadaagto dalka Koongada Dimuqraadiga (The Democratic Republic of Congo).

Maydadka 25 Arday ayaa la helay, waxaana loo gudbiyey Qeybta maydadka lagu kaydiyo ee Isbitaalka Bwera Hospital,  sidaa waxaa yiri Afhayeenka Boliska Uganda,  Fred Enanga.

Waxa kale oo uu sheegay inay dableyda gubeen Qeybta Jiifka ee Dugsiga (The Dormitory) isla markaana ay boobeen Raashinkii ku jiray Bakhaarka Cuntada ee Dugsiga.

- Advertisement -

Afhayeenka waxa kale oo uu xusay in la helay 8 Arday oo dhaawacan oo Xaalladooda aad u daran tahay, kuwaasi oo la dhigay Isbitaalka Bwera Hospital.

W.Q Ustaad Nuuradiin 

Latest stories