HomeWararAxmed Madoobe oo sheegay in Jubbaland ay diyaar u tahay xalinta xaalada...

Axmed Madoobe oo sheegay in Jubbaland ay diyaar u tahay xalinta xaalada Gedo

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Ergayga cusub ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Danjire Catriona Laing iyo wafdi ay hoggaaminaysay. Madaxweynaha oo ay wehelinayeen Madaxweyne ku xigeenka koobaad Maxamuud Sayid Aadan iyo masuuliyiinta Madaxtooyada ayaa Wakiilka Qaramada Midoobay la yeeshay wada hadalo miro dhal ah oo la xiriira xaalada […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Ergayga cusub ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Danjire Catriona Laing iyo wafdi ay hoggaaminaysay.

Madaxweynaha oo ay wehelinayeen Madaxweyne ku xigeenka koobaad Maxamuud Sayid Aadan iyo masuuliyiinta Madaxtooyada ayaa Wakiilka Qaramada Midoobay la yeeshay wada hadalo miro dhal ah oo la xiriira xaalada guud ee dalka.

- Advertisement -

Kulanka ayaa lagaga hadlay arimaha amniga iyo bilowga Wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo diyaar garoowgiisu uu maraya meel gabo gabo ah, xasilinta deegaanada la xoreeyay iyo gaarsiintaa gargaarka dadka ku tabaaloobay masiibooyinka dabiciiga ah iyo isbadalka cimilada aduunka.

Waxaa kale oo laga hadlay heshiiska madasha wadatashiga qaranka ee dalka loogu jiheeyay Doorashooyin dadweyne Sanadka soo socda iyo tageerada beesha Caalamka ee dhinacyada kala duwan.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa Madaxweynaha uga mahad celisay soo dhawaynta diiran ee ay kala kulantay Dowlada Jubaland iyadoo sheegtay in ay ku faraxsan tahay in ay timaado Jubaland oo ay ugu danbaysay sanadkii 1992dii isla markana ay ku aragtay isbadalo badan oo dhinaca hormarka.

- Advertisement -

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa u mahad celiyay Danjire Catriona Laing iyo wafdigeeda booqashada ku yimid Jubaland isagoo xusay in wada hadalo miro dhal ah ay ka yeesheen dhinacyo badan.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in dagaalka Al-Shabaab Wajiga labaad si fiican loogu diyaar garoobayo isla Markana dhawaan uu bilaabanayo.

Dhinaca kale Madaxweynahu wuxuu xusay in loo baahan yahay in xasilinta deegaanada la xoreeyay ahmiyad gaar ah la siiyo si adeegyada aas aasiga ah loo gaarsiiyo dadka halkaas ku nool.

Ugu danbayntii Madaxweynaha ayaa tilmaamay in xaalada gobolka Gedo ay Jubaland diyaar u tahay in wixii kala aragti duwanaan siyaasadeed lagu dhameeyo wada hadal balse uuna jirin khilaaf u dhexeeya dadka Deegaanka iyo Dowlada Jubaland dadkuna ay soo dhaweeyeen maamulkii dhawaan la magacaabay.

Latest stories