HomeWararXiisad Maanta ka taagan Degmada Ceelbarde & khasaaraha Dagaalkii dhacay

Xiisad Maanta ka taagan Degmada Ceelbarde & khasaaraha Dagaalkii dhacay

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Wararka aan ka heleyno degmada Ceelbarde ee Gobolka Bakool ayaa sheegaya in saaka halkaas ay ka taagan tahay xiisad dagaal oo u dhexeeysa ciidamada Milateriga dowladda Federaalka iyo kuwa Daraawiishta Maamulka Koonfur Galbeed ee degmadaasi jooga. Xiisadaan ayaa daba ka socota dagaal xoog leh oo khasaaro badan dhaliyey oo gelinkii dambe ee shalay degmada Ceelbarde […]

- Advertisement -

Wararka aan ka heleyno degmada Ceelbarde ee Gobolka Bakool ayaa sheegaya in saaka halkaas ay ka taagan tahay xiisad dagaal oo u dhexeeysa ciidamada Milateriga dowladda Federaalka iyo kuwa Daraawiishta Maamulka Koonfur Galbeed ee degmadaasi jooga.

Xiisadaan ayaa daba ka socota dagaal xoog leh oo khasaaro badan dhaliyey oo gelinkii dambe ee shalay degmada Ceelbarde ku dhexmaray ciidamada labada dhinac, waxaana Maanta laga cabsi qabaa in mar kale gudaha degmada ay ku dagaalamaan ciidamada oo is hor-fadhiya.

- Advertisement -

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in ciidanka Milateriga dowladda iyo kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed ay aag uga jiraan xaafaddo ka tirsan Ceelbarde, isla markaana aysan jirin weli cid kala dhex gashay, si xiisada dagaalka loo xaliyo.

Ku dhawaad 10 ruux oo ay ku jiraan dad shacab ah oo rasaasta labada dhinac u dhaxeysay ay haleeshay iyo Askarta dagaalantay ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday dagaalkii shalay ka dhacay degmada Ceelbarde ee Gobolka Bakool.

Dagaalkan ayaa ku soo beegmay, xili maalmo ka hor dagaal noocan oo kale ah uu ku dhexmaray magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose ciidamo ka tirsan Militariga Soomaaliya iyo kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed, kaasoo geystay khasaare kala duwan.

Latest stories