HomeWararMuxuu Madaxweyne Xasan Sheekh Maanta kala hadlay Wakiilada Beesha Caalamka?

Muxuu Madaxweyne Xasan Sheekh Maanta kala hadlay Wakiilada Beesha Caalamka?

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta Xarunta Madaxtooyada kulan la qaatay danjireyaasha iyo wakiillada Beesha Caalamka ee ka howlgala dalka. Kulanka ayaa looga hadlay in Soomaaliya laga taageero xaqiijinta go’aamada Golaha Wadatashiga Qaranka si loo hirgaliyo hannaan doorasho oo ku dhisan matalaadda dadweynaha, taasoo saamayn wanaagsan ku yeelan doonta geeddi socodka […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta Xarunta Madaxtooyada kulan la qaatay danjireyaasha iyo wakiillada Beesha Caalamka ee ka howlgala dalka.

Kulanka ayaa looga hadlay in Soomaaliya laga taageero xaqiijinta go’aamada Golaha Wadatashiga Qaranka si loo hirgaliyo hannaan doorasho oo ku dhisan matalaadda dadweynaha, taasoo saamayn wanaagsan ku yeelan doonta geeddi socodka siyaasadda dalka iyo soo kabashada dowladnimada.

- Advertisement -

Madaxweynaha ayaa dul istaagay dadaalka dowlada ay ku bixineyso xasilinta deegaanada laga xoreeyay Al-Shabaab iyo gaarsiinta adeegyo bulsho oo dhameystiran, waxaana uu tilmaamay in loo baahan yahay taageero caalami ah si loo daboolo baahida baaxadda leh.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ka hadlay ahmiyadda ay Shacabka iyo dowladdaba u leedahay xaqiijinta qorshaha sannadka 2024 ee ku aaddan meelmarinta go’aamada masiirka ahaa, kuwaas oo ku saleysan in awoodda dib loogu celiyo shacabka, hirgelinta qorsha Ciidamanka Xooga Dalka ay kula wareegayaa amniga dalka.

Danjireyaasha dalalka Maraykanka, Ingiriiska, Jarmalka Sweden, Norway, Finland, Denmark, Qaramada Midoobay, Midowga yurub iyo Midowga Afrika ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku bogaadiyey guulaha wax ku oolka ah ee ay ka gaartay dagaallada ka dhanka Al Shabaab, iyagoo Sidoo kale sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ku garab taaganyahiin qorsheyaasha mudnaanta u leh Xukuumadda ee amniga, nabadda, xasilloonida iyo meelmarinta go’aamadii Golaha Watashiga Qaran.

Latest stories