HomeWararFaah faahin: Koox hubeysan oo Dil ka geysatay xaafad ka tirsan Afgooye

Faah faahin: Koox hubeysan oo Dil ka geysatay xaafad ka tirsan Afgooye

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa kooxo hubeysan oo xalay xaafad ka tirsan degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose dil ugu geystay wiil la sheegay inuu dhallinyaro ahaa oo kamid ahaa dadka deegaanka degmadaasi. Dilkaan ayaa waxa uu si gaar ah uga dhacay xaafadda dhagax-tuur ee Afgooye, waxaana dabley hubeysan ay toogasho ku dileen wiilka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa kooxo hubeysan oo xalay xaafad ka tirsan degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose dil ugu geystay wiil la sheegay inuu dhallinyaro ahaa oo kamid ahaa dadka deegaanka degmadaasi.

Dilkaan ayaa waxa uu si gaar ah uga dhacay xaafadda dhagax-tuur ee Afgooye, waxaana dabley hubeysan ay toogasho ku dileen wiilka dhallinyarada oo u dhintay rasaas looga dhuftay qeybaha sare ee jirkiisa, waxaana markii dambe goobta laga qaaday Meydka.

- Advertisement -

Dad la yaqaanay wiilka la dilay ayaa magaciisa ku sheegay Cabduqaadir Cabdi Cismaan, oo aan weli la ogeyn sababta loo dilay, balse dilkiisa ayaa waxa uu qeyb ka noqonayaa dilal horey Afgooye loogu dilay dad isugu jiray shacab, mas’uuliyiin iyo Askar ciidan.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka degamada ayaa falka kadib tagay xaafadda dhagax-tuur oo uu dilka ka dhacay, isla markaana waxaa la sheegay inay sameeyeen baaritano kooban oo ay ku baarayaan dilkaas dhacay, oo ay kooxihii geystay ay baxsadeen.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts