HomeWararShirka Wasiirada Maaliyadda DFS iyo Dowlad Goboleedyadda oo la soo Gebagebeeyay

Shirka Wasiirada Maaliyadda DFS iyo Dowlad Goboleedyadda oo la soo Gebagebeeyay

Date:

Related stories

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Cabinet officials brace to relinquish Kenyan passports after presidential ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Israel oo heshiis UN la gashay si loo raro 16,250 oo muhaajiriin ah

Israel oo heshiis UNHCR la gashay si 16,250 muhaajiriin ah loo raro dalalka Galbeedka. Qorshihii soo celinta Afrika waa la baabi'iyay, waxaana la oggolaaday in dadka hadhay ay sii joogaan 5 sano.

Todd Blanche Officially Scraps $1.8B ‘Anti-Weaponization’ Fund

Acting AG Todd Blanche officially rescinds the $1.8B 'anti-weaponization' fund, clearing the path for his confirmation after a standoff with Sens. Cornyn and Tillis.

Blanche Oo Baabi’iyay Sanduuqii $1.8 Bilyan

Agaasimaha Hawlaha ee Wasaaradda Caddaaladda Todd Blanche ayaa si rasmi ah u baabi'iyay sanduuqa $1.8 bilyan,

Waxa maanta la soo gebagabeeyay shir muddo 2 maalin ah uga socday magaalada Muqdisho, Wasiirada Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir. Shirkaan ayaa intii uu socday waxa lagu gorfeeyay arrimaha hannaanka Maaliyadda dalka, dakhliga gudaha, arrimaha Deyn Cafinta iyo qeybsiga Deeqaha Maaliyadeed ee  Soomaaliya […]

- Advertisement -

Waxa maanta la soo gebagabeeyay shir muddo 2 maalin ah uga socday magaalada Muqdisho, Wasiirada Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Shirkaan ayaa intii uu socday waxa lagu gorfeeyay arrimaha hannaanka Maaliyadda dalka, dakhliga gudaha, arrimaha Deyn Cafinta iyo qeybsiga Deeqaha Maaliyadeed ee  Soomaaliya siiyo adduunku siiyo.

- Advertisement -

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi oo xiritaanka Shirka ka hadlay ayaa sheegay in shirkaan Wasiirada Maaliyadda Dowladda Federaal,Dowlad Goboleedyadda iyo Maamulka Gobolka Banaadir diirada lagu saaray arrimaha Federaaleynta, Maamul wanaagga iyo wadashaqeynta ka dhexeysa Wasaaradaha Hey’addaha Maaliyadda heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.

Shirkaan ayaa inta uu socday sidoo kale looga hadlay arrimaha dib – u – habeynta Maaliyadda,  horumarinta dhaqaalaha ,Mideynta Siyaasadda Canshuuraha dalka,mashaariicda horumarineed ee Bangjga Adduunka iyo Hey’addaha kale ee taageera Soomaaliya ay ka waddaan gudaha dalka.

Shirka ayaa waxa laga soo saaro War-murtiyeed ay si wadda jir ah u saxiixeen Wasiiradda Maaliyadda Dowladda Federaalka,  Dowlad Goboleedyadda iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Latest stories