HomeWararMW Xasan Sheekh oo soo dhaweeyay kamid noqoshada DFS ee Dallada EAC

MW Xasan Sheekh oo soo dhaweeyay kamid noqoshada DFS ee Dallada EAC

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhaweeyey aqbaaladda codsiga rasmiga ah ee dowladda Soomaaliya ay ku dooneysay ka mid noqoshada Dallada Bulshada Bariga Afrika (EAC), taas oo ay qalinka ku duugeen Madaxda dalalka ku mideysan dalladan. Madaxweynaha ayaa oo ugu hambalyeeyey shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ansixinta codsigooda ku aaddanaa ku biiridda EAC […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhaweeyey aqbaaladda codsiga rasmiga ah ee dowladda Soomaaliya ay ku dooneysay ka mid noqoshada Dallada Bulshada Bariga Afrika (EAC), taas oo ay qalinka ku duugeen Madaxda dalalka ku mideysan dalladan.

Madaxweynaha ayaa oo ugu hambalyeeyey shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ansixinta codsigooda ku aaddanaa ku biiridda EAC ayaa ku tilmaamay arrinkan tallaabo wanaagsan oo ka tarjumeysa hor u socodka dowladnimada Soomaaliyeed iyo mira-dhalka qorsheyaasha qaran ee ku aaddan soocelinta doorka dalka uu ku lahaa gobolka iyo guud ahaan qaaradda Afrika.

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo dul istaagay faa’iidooyinka dhaqan-dhaqaale, amni iyo siyaasadeed ee dalkeennu uu ka dhaxlayo ka mid noqoshada Dallada Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa sheegay in haataan ay dowladdu bilowday wada-xaajoodyada danwadaagga labada dhinac iyo qeybaha la iska kaashanayo, si uu isugu dheelli-tirnaado wax-wadaqabsigu.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyay Madaxda dalalka Dallada Bulshada Bariga Afrika iyo guddiyada farsamo ee ka shaqeyna ka mid noqosahda Soomaaliya ee dalladan, fursadda ay u siiyeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed in ay la midoobaan walaalahooda dalalka ku bahoobay dalladan.

Latest stories