HomeWarar34 Kun oo Arday oo Maanta u fariisatay Imtixaanka shahaadiga Dugsiga sare...

34 Kun oo Arday oo Maanta u fariisatay Imtixaanka shahaadiga Dugsiga sare ee DF

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

In ka badan 34 kun oo Arday oo dhammeysatay waxbarashada Dugsiga sare ayaa Maanta u fariisatay Imtixaanka shahaadiga ee Dugsiga sare oo ay qaadeyso Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Imtixaanka shahaadiga ah ayaa waxa ay Ardayda ku galayaan 114 xarumood oo ku kala yaalla magaalada caasimadda ah ee Muqdisho iyo […]

- Advertisement -

In ka badan 34 kun oo Arday oo dhammeysatay waxbarashada Dugsiga sare ayaa Maanta u fariisatay Imtixaanka shahaadiga ee Dugsiga sare oo ay qaadeyso Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Imtixaanka shahaadiga ah ayaa waxa ay Ardayda ku galayaan 114 xarumood oo ku kala yaalla magaalada caasimadda ah ee Muqdisho iyo maamulada Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug.

- Advertisement -

Ardayda ayaa maalmihii lasoo dhaafay waday dadaalo kala duwan oo ay ugu diyaar garoobayeen gelida Imtixaanka shahaadiga ah ee Dugsiga sare  oo ay qaadeyso Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya.

Ammaanka goobaha lagu galayo Imtixaanaadka ayaa aad loo adkeeyay, isla markaana waxaa ku sugan Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waa imtixaankii labaad uu la kowsado Wasiirka Wasaarada waxbarashada Faarax Sheekh C/qaadir, kaasoo isbedel firfircoon ku wado waxbarashada guud ee dalka, isagoo juhdigiisa ugu badan galinaya sidii ardeyda Soomaaliyeed loo tayeyn lahaa aqoontooda.

Latest stories