HomeWararDowladda Soomaaliya oo ka qayb-galaysa Madasha 76-aad ee Golaha Caafimaadka Adduunka

Dowladda Soomaaliya oo ka qayb-galaysa Madasha 76-aad ee Golaha Caafimaadka Adduunka

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada xukuumadda ferderaalka Soomaaliya Dr Ali Haji Aden iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ka qeybgalay Madasha 76-aad ee Golaha Caafimaadka Adduunka oo ka dhacaya magaalada Geneva ee dalka Switzerland. Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dr Ali Haji Aden iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Soomaaliya ku matalaya shirka looga arinsanayo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada xukuumadda ferderaalka Soomaaliya Dr Ali Haji Aden iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ka qeybgalay Madasha 76-aad ee Golaha Caafimaadka Adduunka oo ka dhacaya magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dr Ali Haji Aden iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Soomaaliya ku matalaya shirka looga arinsanayo arrimaha caafimaadka aduunka.

- Advertisement -

Halku dhigga Sanadka ayaa ah “Badbaadinta Nolosha” iyo sii wadida horumarinta Caafimaadka dadka oo dhan,” Madaxda iyo wufuuddii kasoo iyo  qeybgashey kulanka ayaa lafaguray go’aanada siyaasadaha qaabayn doona mustaqbalka Daryeelka Caafimaadka Adduunka oo dhan.

Ajendaha kalfadhigu waxa uu ka kooban yahay mawduucyo aad u muhiim ah, oo ay kamidyihiin  soo jeedinta Miisaaniyada Barnaamijka 2024-2025, Istaraatiijiyadda Caalamiga ah ee Caafimaadka Haweenka, Carruurta iyo Dhallinyarada ee (2016-2030), Qorshaha  Yoolka  Caafimaadka loo dhanyahay ee Caalamiga ah (UHC), Habraacyada  jaangooynta magacyada aaladaha caafimaadka,  iyo guud ahaan u diyaargarowga xaaladaha degdegga ah ee caafimaadka dadweynaha.

Golaha Caafimaadka Adduunka waa madasha  go’aamisa hanaanka caafimaadka aduunka, waxaana isku duba rida Agaasnkeeda   Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO).Madasha ayaana kulmisa sanad walba madaxda Caafimaadka Dowladaha Aduunka iyo Hay’adaha Arrimaha Caafimaadka si ay u go’aamiyaan ajendaha, siyaasadda, farsamooyinka iyo xeeladaha sida ugu wanaagsan si loo hubiyo nidaam caafimaad oo caalami ah oo  mideysan kaasoo lagu wada gaadhi karo  yoolalka Caafimaadka loo dhanyahay ( Universal Health Coverag (UHC) .

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts