HomeWararMadaxweyne Xasan Sheekh oo Qasriga Madaxtooyada Qatar kulan kula qaatay Amiirka Dalkaas

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Qasriga Madaxtooyada Qatar kulan kula qaatay Amiirka Dalkaas

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Dooxa ayaa Qasriga Madaxtooyada dalkaas kulan kula qaatay Amiirka Qatar Mudane Tamiim Binu Xamad Al Taani. Madaxweynaha Dalka Dr Xasan Sheekh Maxamuud iyo Amiirka Qatar Mudane Sheekh Tamiim Binu Xamad ayaa kulankooda diirradda ku saaray xoojinta iskaashiga labada dal, […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Dooxa ayaa Qasriga Madaxtooyada dalkaas kulan kula qaatay Amiirka Qatar Mudane Tamiim Binu Xamad Al Taani.

Madaxweynaha Dalka Dr Xasan Sheekh Maxamuud iyo Amiirka Qatar Mudane Sheekh Tamiim Binu Xamad ayaa kulankooda diirradda ku saaray xoojinta iskaashiga labada dal, amniga iyo dhammeystirka hirgelinta heshiisyadii ay horey u galeen Soomaaliya iyo Qatar, taas oo dhabbaha u xaareyso adkeynta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dowladood.

- Advertisement -

Dhankiisa, Amiir Tamiim Binu Xamad ayaa bogaadiyey guulaha miro-dhalka ah ee laga gaaray dagaalka ka dhanka ah Al shabaab, isagoo dowladda Soomaaliya ku ammaannay daddallada ay ku bixineyso dagaalka iyo in ay hormuud u noqoto xasillooni waarta oo ka hirgasha  Gobolka Geeska Afrika.

Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ayaa leh xiriir saaxibtinimo oo qota dheer, kaas oo ku saleysan dardargelinta danaha labada shacab ee maalgashiga, kobcinta dhaqaalaha, waxbarashada, amniga, la dagaallanka argagixisada, iskaashiga siyaasadda iyo diblomaasiyadda ee fagaareyaasha Caalamka.

Latest stories