HomeWararWararkii ugu dambeeyay ee doorashada dallka Turkiga

Wararkii ugu dambeeyay ee doorashada dallka Turkiga

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Waxaa haatan meel geba-gebo ah maraysa tirinta codadka doorashada madaxtinimada ee dalka Turkiga, hase ahaatee natiijada hordhaca ah ee aan rasmiga ahayn ayaa muujinaysa inaanay afarta musharax ee doorashadan ka qayb galay aanu midkoodna haysan codad ku filan oo uu ku noqon karo madaxweyne. Iyada oo haatan la tiriyey 97.23% oo ka mida codadka la […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Waxaa haatan meel geba-gebo ah maraysa tirinta codadka doorashada madaxtinimada ee dalka Turkiga, hase ahaatee natiijada hordhaca ah ee aan rasmiga ahayn ayaa muujinaysa inaanay afarta musharax ee doorashadan ka qayb galay aanu midkoodna haysan codad ku filan oo uu ku noqon karo madaxweyne.

Iyada oo haatan la tiriyey 97.23% oo ka mida codadka la dhiibtay, ayaa natiijada hordhaca ah ee aan rasmiga ahayni waxay muujinaysaa in madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, uu haysto 49.36%, halka musharaxa ay sida weyn ugu loollamayaan doorashadan ee Kemal Kilicdaroglu uu haysto 44.96% oo ka mida codadka la tiriyey.

- Advertisement -

Natiijadan hordhaca ah ee aan rasmiga ahayn ayaa muujinaysa inay suurto gal tahay in dalka Turkigu uu markale aado wareeg labaad oo doorasho madaxtinimo ah, maadaama aanay labada musharax ee Erdogan iyo Kilicdaroglu aanu midkoodna helin aqlabiyadda codbixiyayaasha, sida sharciga dalkaasi dhigayo.

Sida kasta oo ay tahayba, natiijadan hordhaca ah ayaa muujinaysa in Erdogan, oo loollan adag kala kulmay musharaxa mucaaradku, inuu doorashada ka sameeyey horumar ka wanaagsan sidii laga filayey.

Guddida qaran ee maamulaya doorashada Turkiga ayaa sheegay inaanay weli ku dhawaaqi karin in dalka Turkigu uu aadayo wareeg labaad oo doorasho ah, maadaama aan weli la dhamaystirin, tirinta sanaadiiqda ay ku codeeyeen muwaadiniinta Turkida ah ee ku nool dalalka debedda, kuwaas oo tiradoodu ay gaadhayso, illaa 3.4 milyan oo muwaadin.

- Advertisement -

In ka badan 64 milyan oo qof oo ka mida 85 milyan ee uu ka kooban yahay shacabka dalkaasi ayaa isu diiwaangeliyey inay codeeyaan doorashadii madaxtinimada ee ka dhacday dalka Turkiga Axaddii. 89% oo ka mida dadka is-diiwaangeliyey ayaa codeeyey, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AP.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts